General Discussions > Feel Free Here

kaduudshe

<< < (2/2)

Admin:
Walaal Dr.Nasiya aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay jawaabtaada, dadka xanuunsan oo idil allaha caafiyo
tan kale cudurka calaamadihiisa waxa ugu muhiimsan oo aan laga weynin waa qandhada siyaada ah iyo lafo iyo murqo xanuun.
mida kale oo qofka xanuuneyso meelihii uu ka jabay ma maqlin oo waan raadinayaa
----------------------
By: Dr.Mahdi

Dr.iska:
 waa idin salaamay dhamaantiin walaalayaal


 waxaan rabaa inaan ka  yara sheekeeyo cudurka kaduudhsha ladhaho inkastoo uusan igu dhicin aniga balse qof uu ku dhacay ayaa iiga sheekeeyay , qofkaa wuxuu yiri waxaa la iqabta goor casir ah oo waxaa marka hore aan xanuunka ka dareemay   wrist joints, kadib  xanuunkuu wuxuu ugudbay  knee joints, kadib waxay tiri markii lagaaray maqribkii waxaa dhacday inay qandho iyo madax xanuun daran uu yimaaaday, waxay tiri habeenkii aniga oo sidaas la iihaayo ayaan seexday.


 waxay tiri kadib    waagii hadii uu baryay  waxaan arkay afartaydii adimood oo soo kuduutay oo  lugahiina ay laabmeen gacmihinaa ay laabmeen, oo si kasta hadii aan iskugu dayay inaan fidiyo aan fidi kari waayay , waxaana ii wehliyay xanuun daran oo madaxa iga haaya iyo kala goosyada.


   waxay kaloo tiri waxaan xaaladaas ku sugnaa mudo sadex maalmood ah kadibna xaaladeeda waxay isku badashay in aan ka baxo kaduudsanaantii oo afartaydii adin ay wada togmaan oo gacmihii iyo lugahiiba ay noqdaan sidii ul camal  oo wax soo laabmaaya aan la arkin , xaladaan danbana waxaan ku sugnaa mudo sadex maalmood oo kale .

 
 waxay tiri wax dawa ah ma aana qaadan oo aan aheen qandho jabiye, waana la iquraan saari jiray , waxay tiri sitimaan kadib waan roonaaday   inkastow ay igu danbaysay  xanuunka iga haayo kala goosyada  iyagoo kala goosyadu ay ibararnaayeen .



  qofka sidaas iiga sheekeenaaya cudurkaas kaduudsha ah ee ku dhacay waxaan kula kulmay magaalada qaahira,  markaas aaan arkayayna waxay iisheegtay goorta uu cudurka ku dhacay inay ka soo wareegtay mudo bil ah , waxayna laheed xanuunka kala goosyada way ixanuunaayaa inkastoo aad muudid inuu bararkii ka yaraaday .


 marka waxay isku dayday inay la xariirto  dhaqaatiir  si ay u ogaadaan cudurkeeda , oo waxay sameesay baaritaan dhiig ah  wax laga helayna ma aysan jirin ,  marka dhaqtarki wuxuu yiri:- ma aqaan waxa ka dhacay wadankiina balse  hadeer  daawooyinkaan qaado oo sitimaan  kadib isoo  laabo , waana fiicnaan doontaa insha allaaaaaaah.


 marka waxay tiri daawooyinkii markii aan qaatay  waan ku fiicnaaday  waana ladanahay hadeer  oo waxbadan ayaa iska kay badalay waana ilaahay xamdigiis.


 marka  waa kaas sheekadii  ku saabsaneed kaduudshaha ,  marka hadii ay jirto cid kale uu ku dhacay ama  arkay dad uu ku dhacay fadlan nooga sheekay ,   waxaan rajaynayaa inaan kala faa iidaysan doono, marka  waad mahadsantihiin.

 Dr.iska

Admin:
Please reply below any information related to this thread!
Don't open a new topic for the same thread!
thanks
--------------------
By: Dr.Mahdi

IsseGole:
salaan ka dib;
aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin Dr Nasiye iyo Dr.iska khibradda shakhsiga ah eed la kulanteen eed nooga sheekayseen iyo Dr.Mahdi tafsiilka dheer uu inaka siiyay cudurkaa isaga ah.
Anugu walaw markii outbreak-gu dhacayay aan ka maqnaa waddanka haddana tiro ma leh dadkii uu ku dhacay ee aan arkay, familkeenna ayuu ku dhacay:
waxaa la arkay in qofba qofkuu ka waynyahay uu uga daranyahay cudurku, matalan caruurta aad uma dhibo dadka waawaynna waa ku dhibtoodaan; Salaadda fadhi baa lagu tukanayaa oo dhaqaaqa yarka ah baa qaylada qofka ka yeeraysa la yaabayaa, kollay dadkii uu ku dhacay waxyaalo badan oo lagu qoslo oo lagana noxo ayay ka sheekaynayaan.
Cudurku sidiisa waa iska self-limiting, mostly ma soo laabto isla qofkii, laakin hadduu ku soo laabto waa hemorrhegic fever oo waa bad prognosis. Kollay wuxuu ahaa epidemic baan filayaa haddaan u badinno inuu ahaa dengue fever, waana unlikely inuu soo laabto dhowaanahan, marka ilaahay baan ka baryaynaa inuu inaka badbaadiyo cudurkan iyo wixii la mid ah.
Thank you again.
Ciise Dheere

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version