Diseases and Conditions > Cudurrada Caruurta

Meeqo saac oo hurdo ah ayuu u baahanyahay cunugaaga?

(1/1)

Diagnostic:

* Hurdadu waxay muhiim u tahay koriinka cunugaaga
* Koriinka jirka waxaa ka qeyb qaata hormoono badan kuwaasoo la soo daayo inta badan habeenkii
* Ilmaha markii ay dhashaan, waxa ay u baahanyihiin ilaa 16 saacadood inay hurdaan, waxayna soo kacaan 2dii ama 3dii saacba si loo quudiyo
* Wixii ka bilaawdo 4 bil, ilmaha badanaa hurdadoodu way siyaadaa
* Inta u dhaxeysa 6 bil ilaa 1 sano, waxa ay hurdaan 5 ilaa 6 saac oo xariir ah
* 1 sano ilaa 5 sano waxa ay hurdaan 12 saac maalintii
* Ilmaha iskuulka dhigta waxa ay hurdaan 10 saacadood maalintii
* Waxaa kaloo aad muhiim ah in la ogaado in ilmaha ay ku kala duwanyihiin qaabka hurdada, mathalan hadii 1 sano jir uu jiifto 10 saacadood maalintii caafimaadkiisane uu fiicanyahay wax dhibaato ah ma jiraan.
* Inta ay hooyadu ka walwalin qaabka hurdada ilmaheeda, waxaa haboo in ay la sheekeysato qoysas kale si ay u ogaato farqiga u dhaxeeya hurdada ilmaha iyo koriinkoodaba.La soco qeybaha soo socda oo ku aadan dhibaatooyinka soo waajaha hurdada ilmaha iyo sida looga hortago.
Diagnostic

Navigation

[0] Message Index

Go to full version