Author Topic: Cabashooyinka Soomaalida iyo Dhakhaatiirta Ajaanibta ah  (Read 7829 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cabashooyinka Soomaalida iyo Dhakhaatiirta Ajaanibta ah
« on: November 12, 2015, 05:31:36 PM »


Bismillahi

Wuxuu maanta qoraalkeena ku saabsan yahay, cabashooyinka bukaanada qaar ay u sheegaan dhakhaatiirtooda iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii uusan dhakhtarka fahmin cabashadaada.

Bukaanada soomaalida marka ay dhakhtar u sheeganayaan xanuunkodoa waxay u kala baxaan sadax qeyb:
1- Qeyb taqaano qaabka cabasahda loo gudbiyo oo adeegsanayso erayo si sahlan dhakhtarka u fahmi karo iyagoo tilmaamayo meesha laga hayo.
2- Qeyb taqaano meesha uu xanuunka ka hayo laakiin aanan garanayn qaabka ugu haboon oo ay dhakhaatiirta ugu sheegi karaan.
3- Qeyb aanan aqoon xanuunka meesha uu ka hayo iyo qaab ay u sheegaan.

Haddii aad ka mid tahay labada qeyb ee dambe waa kuu muhiim qoraalkaan, maxaa yeelay sida aan wada ognahay waraysigu waa u muhiim dhakhtarka, wax badan wuxuu ka helaa warbixinta aad siinaysid, sidaas awgeed waa in ay warbixintaadu noqotaa mid la fahmi karo ama aad isticmaalaysid erayo la isla wada yaqaano oo uu dhakhtar kastaa fahmi karo.

Khaas ahaan hadduu aad u tagtid dhakhtar qalaad oo aad damacdo in aad cabashadaada u tarjuntid wuu kugu wareerayaa, waxaa laga yaabaaba inuu kugu tiriyo dadka waalan ama maskaxda looga jiro.

Sidoo kale haddii aad adeegsato tarjume caafimaad, way ku adag tahay inuu sida aad damacsan tahay u gaarsiiyo warbixinta dhakhtarkaaga, waxaa laga yaabaa in si qaldan u fahmo hadalkaaga.

Hadaba maxay noqon kartaa taladu?

Haddii aad heli kartid dhakhtar luqadaada iyo dhaqankaaga garanayo way kuu sahlan tahay mar kasta in aad fariintaada gaarsiiso ama uu ku fahmo ama uu kuu saxo hadalka.

Laakiin haddii aad u tagaysid dhakhtar afka qalaad ku hadlayo, waxa ugu haboon ee aad samayn kartid waa in aad u tilmaanto meelaha ku xanuunayo, kadib aad sugtid su'aalaha uu kaa waydiinayo meesha ku xanuunayso, markaasi waa laguu tarjumi karaa hadalkiisa, markuu warbixinta dhameesto u sheeg wixii aad ku dari lahayd, waa laga yaabaa inay wax ku kordhiso ama uu wax ku dhiso hadalkii hore ee lagaa tarjumay.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad cabashada u sheegtid sida ay u kala horeeyeen iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo in aad iska ilaalisid in aad isticmaashid tilmaamid ama shabahid xanuun sida in aad isticmaasho codad ama dhawaaq aad is leedahay xanuunka ugu sharax dhakhtarka.

Tusaale ahaan, haddii aad dhegta guux ka dareentid oo aad sidaas u sheegtid waa wax la fahmi karo, laakiin haddii aad dhawaaqaas suuraysid waa lagu wareeri karaa oo aad mathalan dhahdid dhegta biraa lagu dhex garaacayaa ama hoon gaari baa ka dhex yeerayo, hadalkaas si sax ah looma tarjumi karo waana lagu wareerayaa.
Mathalan, Haddii aad dareensan tahay in ay lafaha ku xanuunayaan iyo kalagoysyada oo idil oo aadan dhaqaaqi karin, waxaa haboon in aad sidaas u sheegtid si laguu fahmo laakiin haddii aad dhahdid fardaa igu tumatay oo laf kastaa i jaban, waxba lagama fahmayo, dhakhtar qalaadne wuu ku wareerayaa.

Marka sifeynta ama suureynta xanuunada waxaa haboon in aad ka fogaatid khaas ahaan markii aad la hadlaysid dhakhtar luqadaada aanan aqoon.

Haddii uu dhakhtarkaaga ku fahmi la'yahay, cabashadaada iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxa soomaalida ay u taqaan "Ilkow"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7838
Last post January 16, 2019, 01:53:17 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Maxaa Kala Haysta Soomaalida Minnesota iyo Tallaalka MMR?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 2
Views: 18447
Last post April 25, 2011, 05:41:18 PM
by MuslimDoc
MASHRUUCII QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE ITOOBIYA JOOGA OO LA WAREEJIYEY

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5947
Last post May 30, 2012, 08:33:40 AM
by Drkheyre
Su'aal: Xanuunka Soomaalida Dacarta u taqaano?

Started by MaxdaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16006
Last post April 02, 2015, 04:07:13 PM
by SomaliDoc
Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 45740
Last post December 16, 2018, 09:48:15 AM
by Hibocumar