Author Topic: Caafimaadka & Nafaqada Laga Helo Cambaha!  (Read 35764 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka & Nafaqada Laga Helo Cambaha!
« on: June 10, 2017, 06:47:15 PM »


Bismillah,

Cambuhu waa midho macaan oo cunno iyo cabitaan ahaanba loo isticmaalo, wuxuu aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kaloo dunida ka mid ah. Cambaha wuxuu ku jiraa midhaha ugu caafimaadka badan ee la cuno.

Waxaan halkaan ku soo aruuriyay faa'idooyinkiisa caafimaad khaasatan kuwa cilimibaaris ahaan loo ogaaday:

  • Cambaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan, taasoo tamar iyo caafimaad bini'aadanka uu ka helo sida fitamiinnada kala duwan, macdanta botasiyam, magniisiyam, birta iyo siliniyam.
  • Inkastoo cambuhu uu macaan yahay laakiin wuxuu xakameeyaa heerka hormuunka loo yaqaano Insulin-ta ee hoos u dhiga sokorta.
  • Cambaha waxaa ka buuxo maadada buunshaha ee "Fiber" loo yaqaano, sidaa awgeed wuxuu daawo iyo ka hortagba u yahay calool fadhiga.
  • Cambaha wuxuu nafaqeeyaa bakteeriyada nuuca faa'idada leh ee mindhicirrada ku jirta taasoo jirka ku caawisa nuugista nafaqooyinka qaar ee cunnada laga helo.
  • Cambaha waxaa ku jira dheecaan-burburiye "Enzymes" qaabilsan sokorta, borotiinka iyo dufanka, sidaa darteed ma keeno daaco quran iyo dheefshiid xumo.
  • Cambaha waxaa ka buuxa macdan loo yaqaano "magnesium" oo muhiim u ah murqaha wadnaha iyo xakamayta dhiig-karka.
  • Cambaha wuxuu xoojiyaa dhambaallada maskaxda iyo neerfaha, sidaa darteed wuxuu u roon yahay dadka madaxa jugta ka gaartay iyo dadka ku dahcay faalijka.
  • Cambuhu waa sunsaare "Antioxidant", wuxuu kaloo caawiyaa shaqada unugyada dhiigga cadcad iyo kuwa cascas.
  • Cambaha wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, cilmibaaris mardhaw la sameeyane waxaa cambaha laga soo saaray maaddo Alle ku abuuray oo loo yaqaano "mangiferin", maadadaan waxaa la arkay in looga hortago kansarka naasaha iyo malawadka ku dhaco. Sidaa darteed waxay dhakhaatiirta ku taliyaa in cambo cunista la badsado si looga hortago cudurrada Kansarka.!
  • Cambaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kaasoo dowr wayn ka ciyaaro difaaca jirka iyo ka hortagga cudurrada fayraska uu keeno sida hergabka oo kale.
  • Cambahada wuxuu yareeyaa dhaawacyada kolestaroolka uu gaarsiiyo xididada jirka.
  • Cambaha waxaa ku jira maaddo saxdo khaladaadka ka dhaco DNA markay qeybsamayso, taasoo muhiim u ah samaysanka unugyo cusub.
  • Sidoo kale cambaha waxaa ku jira fitamiinka A oo sida la wada ogyahay muhiim u ah aragga iyo caafimaadka indhaha.
  • Qolofta cambaha waxaa ku jira maaddo joojiso samaysanka baruurta jirka, waxayna ka hortagtaa cayilka, diraasadaan waxay ku talinaysaa in qolofta lagu cuno cambaha oo aan laga fiiqin.
  • Fitamiin K oo cambaha ku jira wuxuu xoojiyaa, tayane u yeelaa lafaha.
  • Sidoo kale cambaha waxaa ku jiro maadada birta ee dhiigga laga sameeyo, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay dhiig-yarida.
  • Diraasada lagu sameeyay awoodda cambaha ee dhinaca taranka ragga waxaa la arkay inuu kordhiyo xawaaraha iyo tayada shahwada.

Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo badan oo aan weli la ogaan oo Alle ku abuuray midhaha cambaha, laakiin waa muhiim in aan ku dadaalnaa cunistiisa iyo cabitaankiisa.

Akhriso qoraal aan kaga hadalnay Faa'idooyinka Caafimaad Ee Babaayga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Teyteyley

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Caafimaadka & Nafaqada Laga Helo Cambaha!
« Reply #1 on: January 08, 2020, 02:27:16 PM »
ASCW--Dr Abdullahi iyo teamka Somalidoc waan idinsalaamayaa inabadan.....waxaan idinka codsanayaa inaad wax nooga sheegtaan "inuu Canbuhu Qaras kiciyo ama Malaariyo" arintaas ayaa  nagu badan oo Soomaalida badankeedu aaminsan tahey..marka waxaan jeclaan lahaan inaad waxii Alle idinka fahamsiiyey nooga sheegtaan. hadii aad horey uga hadasheena fadlan markale oo postgareeya.


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55920
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8687
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10265
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18431
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14205
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin