Author Topic: Maxaa Keeno Gariirka ama Jaraynta Isha?  (Read 54689 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaa Keeno Gariirka ama Jaraynta Isha?
« on: December 25, 2015, 12:46:16 PM »


Waa maxay gariirga / jaraynta ama dhifashada isha?
Tani waa cillad ay ka sheegtaan dad badani oo aan fasir lahayn, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "blepharospasm" waa in isha iyo baalashaba ay sameeyaan dhaqdhaqaaq aan contorool lahay muddo gaaban oo hal ama labo daqiiqo ah.
Qofka awood uma lahan inuu joojiyo marmarka qaar aad ayay u xoogan tahay oo isha in ay xiranto oo furanto ayaa suura gal ah.

Maxaa keeno gariirga isha?
Badanaa wax xanuun halis ah ma keeno, dhakhaatiirtane ma fasiri karaan markii aysan cillad kale jirin laakiin waxaa jiro dhowr xanuun oo lagu yaqaano in isha ay jareyso waxaana ka mid ah:
  • Baalasha indhaha oo caabuq ama nabar yeesho
  • Indho-qalleelka
  • Iftiinka hadduu ku dhibayo
  • Daafka

Xaaladaha qaar waxay tilmaan u noqon karaan xanuuno neerfo sida shimbirowga ama af-qallooca, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2715.0.html

Wuxuu kaloo calaamad u noqon kartaa xanuuno neerfo ka dhasha lafaha qoorta oo xanuunsan.

Sida caadiga ah gariirka isha waxay ku tagtaa dhowr maalmood gudahood, waxaa dhici karta in qofka uu dhowr maalin oo isku xigta uu dareemo kadibne uu caadi ku soo laabto.
Taasi dhib ma keento laakiin qofka wuu dhibsan karaa.

Waxyaabaha ugu badan ee keena gariirkaan oo aan cudur ahayn, daawane aanan u baahnayn waxaa ka mid ah:
  • Cabista khamriga
  • Iftiinka siyaadada ah
  • Cabitaanka kaffeyga
  • Daalka
  • Cuncunka indhaha
  • Hurdo la'aanta
  • Sigaar cabista
  • Diiqada iyo welwelka
  • Dabaysha qallalan

Goorma ayaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirto?
Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirto haddii aad aragtid:
  • In gariirka isha uu labo usbuuc ka badan ku hayo.
  • In ishu ay xirmayso markii ay gariirayso oo aadan furi karin.
  • In wajiga qeybo ka mid ah uu la jaraynayo sida daanka ama faruurta ama sanka oo kale.
  • Haddii ishu bararan tahay, gaduud tahay ama dheecaan ka socdo ama daaf leedahay ama ishu aadan xeri karin.

Talo:
  • Iska yareey isticmaalka computerka iyo mobeelada siyaadada ah iyo in aad ku dhex isticmaasho meel mugdi ah.
  • Jooji cabiddda sigaarka iyo khamriga iyo maandooriyayaasha kale
  • Hel hurdo kugu filan, ka fogow dhafarka, akhriso dhibaatooyinka uu dhafarka keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad qabtod iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56009
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107023
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58016
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62335
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29004
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc