Author Topic: Su'aal: Waa Maxay Cudurka Furuqa?  (Read 9444 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa Maxay Cudurka Furuqa?
« on: November 24, 2011, 05:10:56 PM »
Asc dhamaantiin. Salaan ka dib.
Waxaan rabaa Dhakhtar in aad noo faah faahisid waxa uu yahay cudurka Furuqa?
Dhakhtar, haddii aan yara ifiyo cudurkaan, waa cudur daran oo lays qaadsiiyo; wuxuu lee yahay, qandho iyo mantag iyo nabarro badan oo jirka ka soo yaaca, marka ay biskoodaanna furuqdhoon ku reeba meelihii ay ka biskoodeen.
Haddaba Dhakhtar, cudurkaan ayaan doonayaa in aad war naga siisid si aan uga digtoonaano.
Waad Mahadsan tahay Somalidoc. Sidoo kale dhamaantiin waad Mahadsan tihiin aqyaarey.
Salaama Allaah.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Cudurka Furuqa?
« Reply #1 on: December 05, 2011, 07:32:11 PM »


Qatar intee la eg ayaa ka imaan karta furuqa?
Furuga "Smallpox" oo ay calaamadahiisu ka mid yihiin qandho iyo cun cun nooc kale ah oo jirka ka galo qofka, ayaa wuxuu mar ahaan jirey cudurrada ugu daran ee halista ku ahaa caafimaadka aadanaha soo wajaha. Furuqa oo uu keeno fayrus, waxaa caadi ahaan ugu dhiman jirtay saddex meelood meel dadka uu cudurku ku dhaco.
Si kastaba ahatte, 1980kii ayaa waxaa la xaqiijiyay in la dabar jaray furuqa isla markaasna uusan halis ku ahayn caafimaadka aadanaha, waxaana taa ka qeyb qaatay Ururka Caafimaadka Addunka oo olole xoog leh ku qaaday dabar jarida cudurkaan- Kiiski ugu dambeeyey ee la ogyahay ee meel aduunyada ka mid ah lagu arkay– ayaa waxaa la diiwaan geliyey inla helay dhammaadkii 1970. In kastoo aan la og yahay in xayawaanka oo dhan inuu aadanaha uun yahay midka keliya ee qaada ama faafiya furuqa, halista ka imaan karta inuu cudurka kugu dhaco waxaa laga dhigay eber.

Qofkii ugu dambeeyay dunida oo cudurkaan ku dhacay waa nin soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Macow Maalin, sawirkiisuna uu ka muuqdo kor, waxaa cudurkaan laga helay 1978, wuxuu ahaa shaqaale caafimaad ka shaqeeya isbitaal ku yaalla magaalada marko, inkastoo ilaahay xanuunkaa ka badbaadiyay wuxuu laakiin u dhintay cudurka malaariyada sanadkii 2013.

Nasiib darrose, furuqu ma aha cudur gebi ahaan laga soo gudbay. Kaddib markii cudurka la tirtiray, waxaa dhacday in waxxoogaa fayruskii ka mid ah sheybaarrada lagu reebay si halkaas oo keliya loogu isticmaalo - waxaana hadda jirto sababo sheegayo in isticmaalka fayruska loo jiheeyey in hub ahaan loo isticmaalo.
Fursadaha uu furuqu mar kale cudur ahaan ugu dilaaci karo, iyadoo si ula kac ah fayruska loo sii deynayo si uu cudur u dhaliyo ayaa hadda u muuqaata iney tahay arrin dhaci karta. Waxaa la aaminsan yahay in ey aad u hooseysa fursadaha ay argagixiso furuqa u isticmaali karto hub ay ku dagaal galaan. Laakiin, hadii uu weerar noocaas ahi dhaco waxa ka imaan kara -ayaa waxay noqoneysaa arin aad qatar u ah.

Maxey yihiin astaamaha furuqa lagu yaqaano?
Astaamaha furuqu waxey ku bilaabmaan qandho aad u saraysa, madax iyo jir xanuun iyo, mararka qaarkood, matag. Laba ama affar cisho kaddib waxaa soo baxaya nabro. Nabruhu ntey kuuskuusmaan ayey jirka oo dhan ku faafayaan iyagoo u eg soobaxyo qolof leh.
Saddex usbuuc kaddib qoloftii ayaa soo dhacaysa, waxaana si weyn u muuqanaya boogo duleelo leh.

Markuu kugu dhaco, imesay qaadaneysaa inuu furuqu kugu sii faafo?  Waana goorma marka aad adigu cudurka qabadsiin kareysid dad kale?
Marka uu cudurku qof ku dhaco, astaamaha ugu horreya ee furuqa lagu garto waxey soo ifbaxaan qiyaasti 12-14 cisho kaddib. Inkastoo mararka qaarkood uu cudurku ku soo muuqan karo qiyaastii inta u dhaxeysa ugu yaraan 7 cisho illaa 17 cishood. Mar haddey calaamadaha ugu horeeya ee furuqu soo ifbaxaan, qofku aad ayuu xanuunsadaa isagoo awoodi kari weynaya inuu qabsado hawlahii caadiga u ahaa. Bukaanku cudurka qof kale uma gudbin karo-oo weli awood uma laha inuu cudurka qof kale u gudbiyo– illaa ay nabruhu soo muuqdaan.

Waa sidee is qabadsiinta furuqa?
Furuga waa cudur la is qabdasiiyo, laakiin uma fududa sida laysku qabadsiiyo cudurrada ay aay ka mid yihiin dureyga iyo hargabka ama jadeecada . Sida caadiga ah furuqu waxaa uu ku fidaa iska soo horjeed mudo dheer qaata oo qof buka iyo qof caafimaad qaba ay sameeyaan – sida dad meel wada deggan oo kale – Waxaa kaloo cudurka la iskugu gudbin karaa marka dadku dhacaankoodu is gaaro, ama isku sariir la wada isticmaalo. Waxaa kaloo laysku qabadsiiyaa hawada dhismayaasha lagu wada noolyahay, balse middaan ma aha mid caadi u dhacda.

Furuqu daweyn ma leeyahay?
Lama hayo daawo furuqa. Laakiin waxaa looga hor tegi karaa istallaalid.
Tallaalku wuxuu cudurka kaa difaaci xitaa dad uu feyruska furuqa jirkooda galay. . Inkastoo uusan jirin tallaal ku siineynin difaac kaamil ah, haddana difaaca aad ka heleysid tallaalkan adigoo cudurku uu ku hayey saddex cisho wuxuu la mid yahay difaaca uu yeelan lahaa qofka laga tallaalay cudurka ka hor intuusan cudurku ku dhicin. Tallaalka la qaato 7 cisho gudohood markuu furuqu kugu dhacay, waxey yareynesaa awooda xanuunada kale ee ka imaan kara furuqa kugu dhacay dartiis.
Laakiin, tallaalku wuxuu la imaan karaa qatar halis ah, wuxuuna ku ridayaa dadka qaarkiis xasaasiyo ay u geeriyoodaan., marka waxaa quman in la isbarbar dhigo faa’iidada iyo halista uu tallaalku leeyahay. Laakiin ilaa uu qof furuqa ka dhigto hub lagu dagaal galo ma ahane, qatarta aad ugu jirtid in uu furuq kugu dhaco waa eber hadda.

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa Maxay Cudurka Furuqa?
« Reply #2 on: February 01, 2016, 02:09:28 PM »
 :) Mahadsanid wll runtii si fiican ayaan oga bogtay cudurkaan wuxuu yahay iyo daawadiiba.
 waliba dhab ahaan qatarta uu leeyahy sida la isaga kala qaado.


Mahadsanid.


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66947
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70100
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62949
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47487
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45740
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc