Author Topic: Su'aal: Gastric iyo Stress?  (Read 32483 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Caydarus

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gastric iyo Stress?
« on: February 02, 2016, 04:24:07 PM »
Asc somali  gastaric ga in uu kaco maka qeyb qaataa fakirka badan iyo stresska saaid ka ah




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gastric iyo Stress?
« Reply #1 on: February 15, 2016, 10:08:50 PM »


Waa maxay Gaaska Stress-ka?
Waxaan maanta ka hadlayaa xanuunka gaaska oo ka dhasho stress-ka iyo welwelka, waana nooca ugu badan ee ay ka cabato bulshada soomaaliyeed, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Stress-induced Gastritis" oo ah "gaaska ka yimaado stress-ka.

Stress-ka iyo fakarka wuxuu kiciyaan dheecaanno ka qeyb qaato soo daynta ama siyaadinta aashitada caloosha ku jirto, waxaana dheecaandaas ka mid ah kuwa loo yaqaano "Gastrin iyo Histmain", haddii ay dheecaanadaas kacaan, waxay calooshu soo daysaa aashito ama acid badan, tan oo haddii ay joogto ahaato keeni karto in ay dhaawac gaarsiiso xuubka caloosha ku dahaaran oo eebe ugu tala galay xifdinta unguyada caloosha, haddii xuubkaas uu baaba'o waxaa dhaawac gaaraa unguyadaas sidaas ayuuna qofka gaaska ugu kacaa, waxaa imaan karo boog calooleed, taasoo iyadane loo yaqaano "Stress ulcer" wuxuuna dareemaa qofka bog xanuun, cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaco, matag dhiig leh, saxarada oo madaw noqoto.
Stress-ka wuxuu ugu horeeyaa waxyaabaha soomaalida ku kiciyo gaaska, markii laga reebo cunno xumada, daawooyinka la iska qaato iyo bakteeriyada "H. Pylori".
Gaaska stress-ka waxuu kaloo ku dhacaa dadka soo gaaraan dhaawacyada halista ah sida gubashada, dhaawacyada maskaxda, infekshanka siyaadada ah iyo howlgabka xubin ka mid ah jirta sida kilyaha ama beerka.

QOfka sidaan u xanuunsan ama leh gaaska noocaan ah, daawadiisu ma ahan kaliya daawada gaaska ee la yaqaano waa in loogu daraa daawo dajiso oo qofka ka hortagta inuu stress ku kaco, waana arrin wax badan looga gartay dadka noocaan ah.

QOraallo muhiim ah:
Akhriso waxa gaaska uu yahay iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Akhriso waxa bakteeriyada H. Pylori ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3391.0.html
Akhriso cunnooyinka gaaska u roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html

Waa muhiim in aad dhakhtarkaaga la socodsiisid haddii ay jiraan wax ku welwelinayo ama fakar kugu hayo, si daawayntaadu ay waxtar u yeelato, haddii aad farmashiyaha daawo ka soo gadatid, cilladii dhabta ahaydne aadan xal u helin, hadhow daawada waa la qabsanaysaa, daawayntane waxay noqonaysaa kumeel gaar.

Ogow haddii stress uu jiro, kadibna gaas uu kugu kaco, stress-ka wuu sii siyaadaa, gaaskane wuu ka sii daraa.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Gastric iyo Stress?
« Reply #2 on: February 16, 2016, 06:41:17 PM »
jazaakallaahu qeyran qeryra jazaak. dhaqta ilaah hakaa abaal mariyo, in badana waan ka faadiday qoraalkan alxamdulilah.

MAHADSANID. Wll


 

Su'aal: Gastric Cancer or stomach cancer?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4827
Last post September 26, 2020, 01:28:19 AM
by Deqacadey
Administrative Assistant Critical Incident Stress Management Unit - UNDP

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 9268
Last post March 23, 2011, 06:31:19 PM
by Admin
Doctors plz igala taliya luck of Vission and more Stress

Started by MahadislanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 9583
Last post February 23, 2012, 01:17:43 PM
by Mahadislan
Exam Time: Hints for Managing Stress

Started by YaxyaBoard Questions, Exams & Study tips

Replies: 4
Views: 9570
Last post June 11, 2008, 06:27:12 AM
by Yaxya
Su'aal: Waxan ahay ruux la ildaran stress?

Started by IlkadahabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3482
Last post March 17, 2016, 05:33:07 PM
by SomaliDoc