Author Topic: Su'aal: Cholinergic and Adrenergic?  (Read 4570 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr Yarisow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cholinergic and Adrenergic?
« on: February 02, 2016, 08:27:57 PM »
asc wr wb Dre ustad waxaa ahy arday ka mid ah ardyda medicine ka wax kabarata jmcdaha muqdisho dr waxaa xogaa ku wareray madada pharmacology  waxaa rabay inaa i ifiso (cholinergic and adrenergic) siba ANS ka waxaa rajeyna ina aqbasho insha allah mezankaga qiyamo allah kugu daro insha allah




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cholinergic and Adrenergic?
« Reply #1 on: February 10, 2016, 02:00:41 PM »


Arday badan ayaa ku wareerto mawduucaan markii laga hadlayo qaabka daawooyinka ay u saameeyaan habdhiska neerfaha jirka.

Haddii aan si fudud kuugu sharxo, waxaad ogtahay habdhisyada jirka inuu ka mid yahay qeybta loo yaqaan "central nervouse system" oo ah habdhiska u qaabilsan neerfaha jirka kaasoo laga xukumo maskaxda iyo xangullaha lafdhbarta dhex maro ee loo yaqaano "spinal cord"

Central Nervous System, waxaa loo kala qaadaa "Parasympathetic Nervous System" loona soo gaabiyo "PNS" iyo Sympathetic nervous System" loona soo gaabiyo "SNS"
Marka maxay kala yihiin "PNS" iyo "SNS"?
PNS wuxuu jirka u qaabilsan yahay waxa loogu yeero "rest and digest" waa dareemaha neerfaha ee shaqeeyo marka qofka uu xaalikiisu dagan yahay sida markuu jiifo iyo markuu wax cunaayo.
SNS wuxuu jirka u qaabilsan yahay waxa loo yaqaano "fight or flight" waana dareemaha neerfah ee shaqeeyo markuu qofka xaalkiisu kacsan yahay sida naxdinta, cabsida, welwelka, xanaaqa iyo wixii la mid ah.

Waxaad kaloo ogtahay in dhambaallada maskaxda iyo xubnaha u kala goosha inuu qaado waxa loo yaqaano "neurotransmitter" oo ah macnaheeda "dareen gudbiye", markii laga hadlayo "PNS" waxaa dareengudbiye u ah maado loo yaqaano "Acetylcholine (ACh), qeybta kale oo "SNS" waxaa dareengudbiye u ah maado loo yaqaano "Adrenaline" ama Ephinephrine iyo Nor-epinephrine.

Intaa haddii aad ila fahantay, marka daawooyinka saamaynta ku leh neerfaha waxaa loo kala qeybiyaa "Adrenergic" oo ah macnaheedu wuxuu saamayn ku leeyahay dareengudbiyaha "Adrenaline" iyo "Cholinergic" oo ah macanaheeda waxay saamayn ku leedahay dareengudbiyaha "Acetylcholine"
Saamayntaas aan tilmaamay waxay noqon kartaa laba mid:
1- In ay daawada kordhiso shaqada dareengudbiyahaas, taasoo loo yaqaano "Agonists"
2- In ay daawada yarayso shaqada dareengudbiyahaas, taasoo loo yaqaano "Antagonists"

Saas ayaana daawooyinka loogu kala qeybiyay "Adrenergic Agnonist / Adrenergic Antagonist" iyo "Cholinergic Agonist / Cholinergic Antagonist"

Waxaan filayaa haddii aad ku laabatid buugaagii "Pharmacology-ga" in aad mawduucaan safiican u sii fahmi doontid khaasatan daawooyinka ku shaqo leh markuu qofka qaato waxa la filanayo iyo waxa la rabo inuu qofka dareemo iyo sababta xanuun hebel loogu daaweynayo.

Haddii ay su'aal kale qabtid waad i soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dr Yarisow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cholinergic and Adrenergic?
« Reply #2 on: February 12, 2016, 01:15:53 AM »
Jazakallah Dr Allah ka abal mariyo cilmigagana Allah ku barakeyo
Shokran alfa marah