Author Topic: Cunnada u fiican xanuunka Baabasiirka  (Read 45959 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cunnada u fiican xanuunka Baabasiirka
« on: March 11, 2016, 09:02:22 AM »


Baabasiirku waa xanuun ku badan bulshada inkastoo laga aamisan yahay qaldaad badan sida waxa uu yahay? waxa keeno? astaamaha lagu garto? sida loo baaro? iyo sida loo daaweeyo intaba? - Ka akhriso halkaan qoraal faahfaahsan oo ku saabsan baabasiirta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html

Waa maxay cunnada u roon baabasiirka?
Waa cunno loo adeegsan karo ka hortag iyo daawayn baabasiir intaba.
  • Qamadiga: wuxuu ka mid yahay cunnooyinka leh buunsahda uu saxarada badiyo, kadibna u sahlo in si fudud ku soo baxdo isagoo ka shaqaysiiyo murqaha mindhicirrada.
  • Sisinta: waxay saxarada u sahashaa in si aan juhdi ku jirin u soo baxdo, iyadoo qofka uusan jiirin, maxaayeelay jiirashada iyo baabasiirku way isku daran yihiin.
  • Qudaarta iyo fruutka: cunnadaan laguma tiriyo kuwa keeno saxaro adaygga iyo calool fadhiga, isla markiina wuxuu qofka ka faa'idayaa fitamiino iyo macdano leh nafaqo, waxaa ka mid ah oo aad heli kartaa liin oranjada, cinabka, muuska, tuffaaxa, liin bambeelmada, cambaha, babayga, koostada, kabajka, bagalka, ansalaatada iyo cagaarka kalba.
  • Saliida dabiiciga ah: sida saliid saytuunka, saliid macsarada, saliid gabaldayaha, saliida avocadaha, saliida kalluunka intaba markii cunnada lagu darsado, waxay caawiyaan in baabasiirku uusan ka sii darin, calooshane si dhibaato lahayn ku naadiifsanto, akhriso qoraal aan uga hadalnay dhibaatada saliid caddayda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6036.0.html
  • Cabitaanka biyaha: waa ahmiyadda 1-aad in aad heshaa biyo jirkaaga ku filan si aysan saxaradaadu u qallalin, waana dhibka ugu wayn ee soomaalida heesto, qofkasta oo baabasiir ka sheegto, biyo cabitaankiisu wuu yar yahay, fadlan akhriso qoraal aan uga hadlay faa'idooyinka cabitaanka biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html


Waa maxay cunnada u daran baabasiirka?
  • Rootiga burka ka samaysan iyo cunnooyinka la xiriiro sida buskutka, doolshada, bur saliidka iyo canjeerada bur cadka ka samaysan, intaba waa la isku waafaqsan yahay inay calooshu adkeeyaan
  • Hilibka badan: haddii aad siyaado u cunto hilibka waxaa halis ugu jirtaa calool fadhi, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in aad ku cuntid saliid macsaro ama saliid zaytuun si aad uga fogaato calool fadhiga.
  • Caanaha fadhiga ah: dad badan way ka sheegtaan inuu calool fadhi u keeno, khaasatan caruurta yaryar, waxaa la mid ah jubnada ama cheese-ka adag iyo caanaha lo'da, caanaha suusaca ah way u fiican yihiin iyaga baabasiirka.
  • Oonka badan: biyo cabitaan yarida waa dhibaato baabasiirka u daran, akhriso qoraal aan kaga hadalnay dhibaatada oonka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4478.0.html

Akhriso qoraal ku saabsan cunnooyinka saxarada jilciyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,380.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Cunnada u fiican xanuunka Baabasiirka
« Reply #1 on: March 11, 2016, 08:49:43 PM »
Dhakhtar, haddii uu qofka qaba Baabasiirka, uu isticmaalo maalin kasta hilibka shiilan ee Idaha ama oodkaca oo uu ka buuxo subaggii idaha, (subaggaan oo la sheego in lagula dagaalamo gooryaanada caloosha ku nool)... Ma ka sii dareysaa xanuunka baabasiirka?
MAHADSANID.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17032
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14680
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33825
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40179
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87582
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!