Wadne qabad waxaa kaloo loo yaqaannaa Myocardial infarction ama MI.
Wuxuu dhacaa markii xididka quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah, Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa. Nabar ayayna isku badashaa.
Xannibanku wuxuu ka imaan karaa:- Isu ururka dufan.
- Isku kaduudasho aan caadi ahayn ee muruqa marinka dhiigga, tanoo ciriir ka dhigto xididka.
- Xinjirow dhiig.
Calaamadaha Wadne Qabadka- Xanuun ama cadaadis kaa qabta bartamaha feedhahaaga, gacanta, daanka, garbaha, qoorta ama caloosha. Waxaa laga yaabaa inuu meel ka tago oo meelo kale ku faafo.
- Dareemidda ciriiri, bur-bur, xanuun, margasho, maroojin, gubasho ama wadnaha oo ku gubanaya.
- Wuxuu dhacaa waqtiyada hawlaha iyo waqtiyada nasashada labadaba.
- Wuxuu socdaa in ka badan 15 daqiiqadood
- Dhidid
- Neefsashada oo kugu adkaata
- Daciiftinnimo
- Lalabbo ama matagid
- Cabsi dareemid
- War-wareer
Dadka qaar xanuunka wuxuu ku billawdaa garabka illaa gacanta bidix oo kabuubyo ka dareemaan ama xanuun maroojis oo kale ah, Dadka qaba sonkorowga waxay halis ugu jiraan inuu wadna qabad ku dhaco iyagoo wax calaamado ah aysan dareemin.
Yuu ku badan yahay xanuunkaan?Waxaa wadne qabadka halis ugu jira:
- Dadka cayilan oo aan jimisiga samaynin
- Dadka ku nool nolosha aan dhaqadhaqaaqa badan lahayn
- Dadka qabo xanuuno xinjiroobis dhiig oo aan daawo u qaadan
- Dadka qaba sonkor aanan kontroolnayn
- Dadka qaba dhiig-kar aan lala socon
- Dadka qaba cudurka dufanka dhiigga ee Kolestarool.
- Wuxuu xanuunka wadna qabad-ka ku badan yahay dadka waaweyn.
Isla markiiba aad dhakhtar haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadaha kor ku xusan.
Fariiso ama seexo ilaa uu kaaga yimaado qof isbitaalka kuu kaxeeyo.
Baabuur ha u wadanin in aad isbitaalka ku aaddo ama dib ha u dhiganin in aad wacdo dhakhtarkaaga.
Talooyin iyo Warbixinno:- Wadnuhu wuxuu ku soo bogsadaa dhowr bilood.
- Aad ballanta uu dhakhtarkaagu ku dabagalayo arrinka.
- Hawlahaaga xaddid ilaa 4-6 toddobaad.
- Maalin kasta naso.
- Hawlahaaga waqti ka waqti u sii kordhi.
- Naso 1 saac ka dib markaad cunnu cuntid iyo ugu yaraan 30 daqiiqadood kadib qubeysiga, mayrashada ama xiirashada ka dib.
- Xaddid jaranjaro fuulidda. Jaranjarada si gaabisa u qaado.
- Ka fogow qaadidda wax ka badan 10 pounds ama 4.5 kiilo garaam.
- Wax ha xaaqin, caws ha jarin, geed ha qaadin ama wax ha falin. Shaqooyinka fudud waad sameyn kartaa.
- Dhakhtarkaaga weydii goorta aad baabuur wadi karto iyo goorta aad shaqada ku noqon karto. Waxaad masaafooyin dhow u fuuli kartaa baabuur.
- Hawlaha galmada waa la soo celin karaa markaad awooddo in aad fuuli karto ilaa 20 jaranjaro adigoon dhibaato ku qabin.
- Raac cuntada ay dhakhtarkaaga iyo cunto qoruhu kuu soo jeediyaan.
- Cun cuntooyinka dufanku ku yar yahay.
- Ka fogow cuntooyinka cusbada leh.
- Maalin walba is miisaan si aad u hubisid in dheecaan jirkaaga kugu kordhayo (wadnaha uusan biyaha jirka uga saaraynin).
- Dheecaan dheeraad ah wadnahaaga shaqada ayuu ku sii adkaynayaa.
- Wac dhakhtarkaaga haddii ay kugu kordhaan 2-3 pounds ama 1 kiilo garaam oo miisaan dheeraad ah.
- Ka fogow heerkullada aadka u kulul ama aadka u qabow.
- Ha ku mayran biyo kulul ama qabow.
- Guriga joog waqtiga cimilada huurka leh ama heerkullada aadka u kulul.
- Ka fogow Galmada illaa uu dhakhtarka kaaga fasaxo
Dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo talooyin intaa ka badan.
Akhriso
Wadne Gariirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com