Author Topic: Su'aal: Cilmi baarista caafimaad ee lagu sameeyo?  (Read 6054 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cumar75

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cilmi baarista caafimaad ee lagu sameeyo?
« on: April 11, 2016, 07:22:16 PM »
Sida aan ognahay waxaa badan cilmi baaris caafimaad lagu sameeyo dadka aan muslimka aheen  tusaale waxey cunaan doofaar ama xoolo aan lagu qalin magaca ilaahey khamrina wey cabaan hadii ay ay intaasba ay sameenin xitaa iney ilaahey ku xerneen oo gaal ay yihiin darteed malagu dabiqi karaa dadka muslimiinta daraasad lagu sameeyay dhinaca kale gaalada kaadi iskama dhaqaan xanuunada lagu kala qaado wey badan yihiin daraasad lagu sameeyo muslimiinta ma qaadan karaan sidoo kale xanuunada ku dhaca maqaarka diinta islaamka waxey na amartay inaa qubeesano galmada kadib waxaas oo dhan dan caafimaad bey muslimiinta ku qabaan cilmi baarista lagu sameeyo qof aan dabaqeenin diinta islaamka  wax tar ma u noqon kartaaa qofka muslimka ah




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4708
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cilmi baarista caafimaad ee lagu sameeyo?
« Reply #1 on: April 28, 2016, 03:06:34 PM »


Cilmibaaristu ama research-ku waa nuucyo badan yahay, hadafkiisu ugu waynne waa in looga jawaabo su'aal ku taagan qofka ama shirkadda samaynayo cilmibaarista markaas.

Markii laga hadlayo caafimaadka, cilmibaaristu waxay leedahay shuruuc iyo shuruudo inta aan la soo bandhigin natiijada ka soo baxday ama go'aanka la qaatay.

Midda aad ka dhawaajisay ee ku saabsan dad aan isku dhaqan ahayn oo ay dhici karto in waxyaabaha ay samaynayaan ay caafimaad darradoodu ay sabab u tahay, intii cilmibaaris lagu sameeyo, natiijadii ka soo baxday ma lagu dabaqi karaa qof halista dadkaas aanan lahayn?! Jawaabtu marne waa Haa, marne waa Maya.

Waxay ku xiran tahay waxa la baarayo iyo hadafka loo baarayo iyo qaabka loo baarayo.
Cilmibaaristu waxaa loo qeybiyaa laba qeyboo oo waaweyn, waxaana ka sii farcama qeybo kale oo badan, labadaas qeybood waxay kala yihiin:
1- Observational Studies: oo ah macnaheedu cilmibaaris ku dhisan u fiirsasho iyo falaanqayn, iyadoo la fiirinayo asbaabta keentay in cudurro gooni ah ku bataan ama ku yaraadaan bulsho gooni ah, ama asbaabta keentay in bulsho gooni ah ay u dhintaan cudurro gooni ah iyo waxyaabo kala oo badan, cilmibaarisyada noocaan ah aad ayaa looga taxaddaraa in la is barbardhigo dad aan isku dhaqan ama caado ahayn khaasatan haddii dadyowgaas ay la imaanayaan waxyaabo natiijada cilmibaarista qaldi kara ama wareerin karo, haddii la isbarbardhigane khalad ayaa soo baxa.
Tusaale ahaan: Haddii la baaro sababta uu cudurka HIV uusan ugu badnayn qolo ka mid ah bulshada, kuwaasoo diintooda aanan islaam ahayn, sababtuna la ogaado inay tahay iyagoo adeegsado cinjirka galmada inay kaga badbaadeen kala qaadista cudurka, go'aanka ka soo baxo cilmibaaristaas u fiirsashada ah laguma dabaqi karo qolo kale oo dagan wadan kale ama diinta islaamka.
Maxaa yeelay wadamada islaamku markii loo fiiriyo wadamada kale wuu ku yar yahay cudurka HIV, taasi lama oran karo isku sabab ayaa keentay marka waa in meel kasta oo cudurkaas ka dillaaco laga qeybiyaa cinjirka galmada si looga hortago cudurka, baynamaa ay dhici karto inay jirto tillaabooyin kale oo ka muhiimsan oo qolo walba waxtarkeeda u leh sida: dhowrsanaanta, gogol-dhaaf la'aanta, gudniinka iyo waxyaabo kale oo gadaal laga ogaaday oo keentay in hadda lagula taliyo ummado aan islaam ahayn.
Marka waxyaabaha noocaas oo kale ah ka fiirsasho ayay u baahan yihiin markii umado kala duwan lagu dabaqayo, maadaama dhaqanku kala duwan yahay, taasoo dhici karto in dhaqankaas uu salka ku hayo diinta islaamka.

2- Interventional studies: Cilmibaarista ku dhisan sheybaarka, tanoo lagu baarayo qaabka jirka bini'aadanka u shaqeeyo ama daawooyinka ula falgalo iyo waxyaabo kale oo badan, cilmibaarista noocaan ah waxaa laga ilaaliyaa inuu qofka leeyahay caado xun oo saamayn u keeni karto arrinta la baarayo ee kuma xirna dhaqanka iyo diinta uu qofka heesto haddii aysan saamayn ku lahayn cilmibaarista markaas la samaynayo.
Tusaale waxaa la baarayaa sida khamriga uu beerka waxyeello u geesto, waxaa lasoo aruurinayaa qolo khamri cabto iyo qolo aan cabin diintay rabaan ha heystaan, kadibne waxaa la baarayaa caafimaadka beerka iyo isbadallada ku yimid, sidoo kale haddii la baarayo xiriirka ka dhaxeeyo sigaar cabista iyo kansarka sambabka, waxaa lasoo uruurinayaa dad qaba cudurka kansarka sambabka ama dad sigaarka cabo diintay rabaan ha aaminsanaadaan, maadaama bini'aadanku uu isku abuuris yahay oo si isku mid ah jirka ula falgalo waxyaabaha halista ku ah.

Waxaad kaloo ogaataa cilmibaarisyadu way kala awood badan yihiin, oo badanaa kuwa lagu qaato go'aannada lagu wada dabaqi karo umado kala duwan oo qolooyinka daawooyinka soo saaro ay adeegsadaan waxaa loo yaqaanaa "Randomized Controlled Tiral" waana cilmibaaris lagu dadaalay in dadka la baarayo laga dhex sooco dadka caadooyinka halista ah leh, si ay u soo haraan dad dhinac walba la isla barbardhigi karo si natiijadu ay u noqoto mid la aamini karo, lagu kalsoonaan karo, kadibne lagu dabaqi karo qof kasta.

Waxaa dhacdo mararka qaar cilmibaaristaan laftirkeeda in aan lagu dabaqi karin dadka kala jinsiga ah, tusaale: dadyowga qaar ee isku jinsiga ah ama hal meel ka soo wada jeedo ama isku hidde-raac ah inay ka duwanaan karaan dadyow kale oo baaris lagu sameeyay, sidaas awgeed waa la sheegaa oo waxaa la dhahaa, daawo hebel waxay waxtarkeedu fiican yahay markii ay qaataan dadka cadcad ee wadan hebel dago ama dadka cirqigooda sidaa yahay.
Way dhici kartaa in qowmiyadda soomaalidu ay jiraan wax hidde-raac ahaanta ay kaga duwanaan karaan umado kale, laakiin waxaa lagu ogaan karaa kaliya markii cilmibaaris la sameeyo ee diin ahaan looma fiiriyo, maxaayeelay waxaa dhici karto inuu beri qofkaas gaaloobo, laakiin abuuristiisa iyo hidde-raacisia isma badalin.

Marka aad ayaa looga taxaddaraa arinta aad tilmaantay markii la isbarbardhigayo dad kala duwan inta aan lagu dabaqin go'aan ka soo baxay cilmibaaris. waxay cilmibaarista u taqaanaa arrimahaas "Generalizability" "Transferability" "Applicability" iyo "Interrelations", intaas waa erayo iska agdhaw oo lagu fiiriyo cilmibaarista la sameeyay in lagu dabaqi karo bulshawaynta.

Waxaan filayaa in aad fahantay inkastoo aan aad u soo koobay, si boobsiis ahne aan ku qoray, haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, ku soo qor isla bogga su'aashaan, mahadsanid

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 102661
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 61743
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 26908
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 51065
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 31609
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca