Author Topic: Lallabada Subaxii Hore La Dareemo  (Read 26062 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Lallabada Subaxii Hore La Dareemo
« on: May 08, 2016, 07:14:23 PM »


Waxaan qoraalkaan uga hadli doonaa sababta keento in aad dareentid lalabo iyo yalaalugo marka aad subaxii hurdada ka soo toostid, taasoo kuu diidaysa in aadan quraacan karin, waana arrin dad badani dareemaan.

Arrintaan way ka duwan tahay wallaca ay dareemaan haweenka uurka leh, mana kala lahan rag iyo durmar, waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah:

  • Gaajada iyo Sokorta oo dhacsan: waa waxa ugu badan oo keeno lallabada subaxii hore, waxaana lagu fahmaa arrintaan in qofka uusan subaxii hore waxba cuni karin illaa uu muddo soo jeedo mooyee, markii barqo la gaaro ayaa dhici karto in qofka si caadi ah wax u cuni karo, waxaa arrintaan keeno in aad ka soo toostid adigoo gaajo ku hayso, sonkorta dhiigaagane ay dhacsan tahay.
    Dadka badanaa sidaan noqdo waxaa lagula taliyaa in subaxii hore xilliga salaadda ay wax cunaan ama sariirta dhinaceeda ay dhigtaan malab si ay u isticmaalaan inta aysan sariirta ka soo dagin, iskana ilaali in aad seexato habeenkii casho la'aan.
  • Oonka: Qofka hadduu jiifto isagoo ooman, wuxuu la soo toosaa lallabo, tanne waa in qofka uu ka digtoonaadaa.
  • Gaas iyo Laabjeex: Waxa kulul ee qofka calooshiisa ka soo rogmado waxay sabab u noqdaan laabjeex, khaasatan haddii aad dareentid cashada ka dib, tan waxay wadataa laab-hur ama dibbiro, waa in qofka uu daawo gaas qaataa inta uusan jiifanin.
  • Dheef-shiid xumada: dadka ka sheegto daaco-shiirka khaasatan markay cunno culus ku jiiftaan, waxay tilmaan u tahay in cunnadii aanan safiican loo shiidin, waxaana subaxii hore la dareemaa lallabo.
  • Xanuunka Xameetida: dadka qabo xanuun xameeti ama dhagaxaan xameetida ay kaga jiraan iyagane waxa la soo toosi karaan lallabo, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka xameetida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5490.0
  • Daawooyinka: daawooyinka qaarkood waxay keenaan lalabo subaxii hore, waxaa ka mid ah daawooyinka xanuun baab'iyayaasha iyo kuwa kansarka loo qaato.
  • Welwelka iyo Niyad-jabka: waxay keenaan calool qasan iyo lallabo subaxii, tan waxay ka dhalataa hormoonada stress-ka oo kacsan aawadeed.

Akhriso FAA'IDADA KU JIRTO IN LA QURAACDO: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4588.0

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?

Started by DiinowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17579
Last post April 08, 2011, 08:37:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan naxaa markaan hawl aanan hore u qaban jirin qabanayo?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6928
Last post October 05, 2015, 11:40:31 AM
by SomaliDoc
Maxaa Keena Nabarada Ku Dhaca Qaybta Hore ee Xubita Taranka?

Started by AdamAliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4995
Last post January 19, 2021, 11:40:33 AM
by Milica_soomali
Su'aal: Hore iyo imika wakhtiyada qaar waan kacsadaa balse........?

Started by CaaqilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17501
Last post December 27, 2010, 07:13:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Habaynki hadaan damco in aan xili hore sexdo iga so dhicimayso?

Started by JanaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4141
Last post February 08, 2016, 02:05:43 PM
by SomaliDoc