Author Topic: Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?  (Read 45746 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?
« on: May 10, 2016, 03:33:18 PM »


Bsimillah...

Waxaan qoraalkaan uga jawaabi doonaa su'aashii aan idin soo waydiiyay oo ku saabsanay maxaa soomaalida ku badiyay xanuunka cagaarshowga B iyo C, markii loo fiiriyo dunida kale?

Horay waan uga soo hadalnay labadaan xanuun ee cagaarshowga B iyo C, haddii aadan horay u akhrisan booqo labadaan link ee hooseeyo:
Cagaarshowga B / Hepatitis B: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0
Cagaarshowga C / Hepatitis C: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html

Intaa ka dib, dadkaa soo dhiibtay ra'yigooda ku aadanaa way ku mahadsan yihiin, inkastoo dad aad u yar ay tilmaameen qaabka loo kala qaado xanuunka, laakiin way yarayd in la tilmaamo asbaabta keentay inuu bato.
Dadka qaar waxay xuseen waxyaabo aanan xiriir la lahayn cagaarshowga B iyo C, waxyaabahaas la sheegay waxaa ka mid ah:
  • Biyaha wasakhda ah
  • Nadaafad darrida
  • Baruurta, Saliida iyo Hilibka Idaha
  • Caanaha lo'da
  • Ka cabista wabiyada iyo balliyada
  • Kaneecada
  • Cunnada dhacsan
  • Maraq digaaga
  • Cunnada aanan isku dheelli tirnayn
  • Magaalo ku noolaanshaha
  • Dhaxalka
  • Isticmaalka daawooyinka badan
  • Calool fadhiga iyo qarasta
  • Cudur la faafiyay iyo dowlad la'aanta.

Intaas aad soo xusteen oo idilba ma keento mana faafiso xanuunka cagaarshow-ga B iyo C, waa laga yaabaa in Cagaarshowga A laga qaado nadaafad darrida iyo biyaha wasakhaysan, waana xanuun iska bogsado, dhibne ma keeno badana, laakiin B iyo C shaqo kuma lahan waxyaabahaas kore, waa laba xanuun oo dhib badan, daawane aan lahayn.

Maxaa keeno Xanuunka Cagaarshowga B iyo C?
Labada xanuunba waxaa keeno jeermis fayras ah loona kala yaqaano "hepatitis B viruse" iyo "hepatitis C viruse", waxaana lagu kala qaadaa in dheecaanka jirku isgaaro sida:
  • Galmada
  • Dhiig-shubista
  • Afka oo la isk dhuuqo
  • Naas-nuujinta
  • Hooyada iyo dhallaanka xilliga dhalmada
  • Cirbad feyraska leh oo lagugu muday
  • Dhiig qof kale oo korkaaga ku daatay.


Maxaa bulshada ku badiyay?
Waxyaabo badan ayaa u sabab ah, waxaana ka mid ah:
  • Jahliga iyo wacyi la'aanta: waa midda ugu wayn ee ka qaadato faafinta cudurka, dadku waxay aaminsan yihiin in cudurkaan uusan dhib lahayn, mana oga in la kala qaadi karo, mana oga inuu jeermis keenay, qaababka ay soomaalida iskaga daaweyso laftirkeeda ayaa lagu kala qaadaa.
  • Isticmaalidda qalabyada aan la jeermis dilin, sida: Qalabka la isku gubo oo weliba dadka cagaarshowga qabo loo isticmaalay maadaama la aaminsan yahay in gubniinku daawo u yahay cagaarshowga, qalabka dalqada lagu gooyo, ilmaha lagu gudo, baabasiirta la isaga jaro, maqaarka lagu sarsaro, qodxaha la isaga saaro. waxyaabahaas oo idil iyo ka badan looma tago isbitaal oo qof sancoole ah ayaa bulshada u sameyn jiray welina u sameeyo meelaha qaar, waana waxa ugu badan ee bulshada ku dhex faafiyo cudurka cagaarshowga.
  • Wadaagista waxyaabaha lagu gudbin karo sdia cidda-jarayaha, sakiinta lagu xiirto, cadayga iyo rumayga iyo shukumaanka lagu tirtirto khaasatan markuu qofka xanuunkau ka muuqdo, dhididkiisa waa laga qaadi karaa hadduu kaa gaaro meel jirka dillaac ku leh.

Marka wax kasta oo keeni karo in dheecaannada dadka isku gudbiyo sida dhididka, calyada, dhiigga, caanaha, candhuufta, shahwada iyo wixii kaloo la mid ah waa lagu kala qaadaa.

Marka hadduu qof xanuunka laga helo, wuxuu u gudbin karaa xaaskiisa ama xaasaskiisa, waxay iyagane u sii gudbin karaan caruurtooda, sidaas ayuuna ku faafayaa xanuunka.

Marka waa aqoon la'aan, wacyi la'aan iyo taxaddar la'aan waxa keenay in xanuunka uu bulshada si xawli ah ugu dhex faafo.

Maxaa ka soo baxay diraasaddii lagu sameeyay Soomaalida ku nool Maraykanka iyo Ingiriiska?
  • Soomaalida Minnesotta: Diraasadaan waxaa lagu sameeyay isbitaalka Mayo Clinic ee Rochester, waxayna socotay 13 sano, waxaana lagu baarayay soomaalida qabta xanuunka cagaarshow B iyo C iyo xiriirka uu la leeyahay Kanasarka beerka ku dhaca, waxaa lagu qiyaasaa in gobolka Minnesota ay dagan yihiin soomaali ka badan 50,000 oo qof, waxaa la arkay in bulshadaasi boqolkiiba 7% inay qabaan cudurka cagaarshowga B, ragguna ay kaga badan yihiin dumarka, weliba dadka da'da ah inay ka badan yihiin dhalinyarada, waxaa kaloo la ogaaday in soomaalida qabta cagaarshowga C ay kaga halis badan yihiin kansarka beerka markii loo fiiriyo kuwa qaba cagaarshowga B. Cagaarshowga C ee soomaalida ku dhaca noociisu waa "type 4"
  • Soomaalida Liverpool: Diraasaddaan waxay sheegtay bulshada magaaladaas ku nool in boqolkiiba 5.7% ay qabaan cagaarshowga B, inta kale waxay la mid yihiin soomaalida daggan maraykanka.
  • Diraasada Cusub: waxaa hadda ka socdo maraykanka diraasad aad uga baaxad wayn tii hore, waxaana diraasaddaan ka qeyb qaadanayo dhakhaatiir soomaali ah, waxaana la filayaa inay soo dhamaan doonto dabayaaqada sanadkaan hadduu rabbi idmo, wixii dheeri ah ee ka soo baxo waan idin la wadaagi doonnaa insh'allah.

Tallaalka:
Tallaalku wuxuu yareeyaa jaaniska in aad xanuunka qaadid, haddii lagaa helo waa in lamaanahaaga laga tallaalaa, caruurtane waa in laga tallaalaa, waxaa jiro wadamo ay qasab tahay in caruurta laga tallaalo cudurka cagaarshowga, waxaa kaloo jiro wadamo aanan laga tallaalin caruurta oo weli diidan soo jeedinta hay'adda WHO, waxaana wadamadaas ka mid ah: England, Ireland, Holland, Denmark, Sweden, Finland iyo Norway, waana wadamo ay aad u dagaan soomaalida.

Akhriso Cunnada u roon Caafimaadk Beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7031.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Hibocumar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?
« Reply #1 on: December 16, 2018, 09:48:15 AM »
Digtoore hadii la qaato talaalka cagaarshow B 2 Talaal Oo kii 3aad
ii harsan Yahay miyaan qaadi karaa mise ka 3aas waa inaan qaato oo aan sugo talaalka 3aad


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55943
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162259
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106951
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57966
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62281
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig