Author Topic: Ku Dadaal Caafimaadka Naasahaaga.!  (Read 92791 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ku Dadaal Caafimaadka Naasahaaga.!
« on: August 07, 2017, 02:59:42 PM »

Bismillah,

Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay faahfaahin iyo warbixin ku saabsan arrin maalmahaan la isla dhex marayay baraha bulshada taasoo ku saabsan in naasaha dumarka lagu adkeeyo ama lagu xoojiyo ku daliigista kareemka vasilin-ta iyo daawada ilkaha "Toothpaste".

Inta aan arintaas u gudbin marka hore aan waxyar ka tilmaamo waxa ay naasuhu ka samaysan yihiin iyo waxyaabaha kale ee jirka qeybihiisa kale kaga duwan yihiin.

Naasaha wuxuu Alle ka sameeyay afar waxyaabood oo kala ah:
  • Qanjirro naasaha u gaar ah loona yaqaano "lobules" ama "Glandular Tissue", kuwaasoo howshoodu tahay inay caanaha soo saaraan.
  • Tubooyin caanaha ka soo qaada qanjirradaas oo soo gaarsiiya ibta loona yaqaano "Ducts"
  • Unugyo iyo nudo gaar ah oo naasaha Alle ka sameeyay kuwaasoo kala ah "Fibrous Tissue iyo Connective tissue"
  • Dufan ama baruur naasaha ku dhex jirto "Adipose tissue".

Marka labada qeyb ee ugu dambayso waa kuwa qaabilsan cufnaanta iyo muuqaalka naasaha, waana labada uu isbadalka ku dhaco markay naasuhu jilcayaan ama dhacayaan. Qaab dhismeedka naasaha ee kor ku cad waxaa laga faa'idaysanayaa in naas nuujintu aysan sabab u noqon karin in naasuhu jilcaan, waana arrin ay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in naas-nuujintu aysan naasaha jilcin, laakiin uurku uu yahay.

Midda kale oo muhiimka ah oo iyadane la isku waafaqsan yahay waa in wax murqo ah aysan naasaha ku jirin, marka dadka aaminsan ama sheegayo in jimicsi lagu xoojiyo naasaha ama lagu adkeeyo wax ka jiro malahan, maadaama wax muruq ah uusan Alle ku dhex abuurin naasaha.

Intaa ka dib, su'aashu waxay tahay maxaa keeno in naasuhu ay jilcaan? qaabkeene u jilcaan, haweenkuna ma ku kala duwan yihiin?
Waxaa jiro dhowr sabab oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay inay naasuhu dabciyaan, waxaana ka mid ah:
  • Sigaarka: haweenku sigaarka cabo ama lagu ag cabo, waxaa la xaqiijiyay in sigaarka uu burburiyo borotiin ku jira maqaarka naasaha xoojiyo loona yaqaano "Elastin"
  • Tirada uurka: kullamaa hooyadu ay uur yeelato, waxaa isbadal ku dhaca naasaha, uur walbo midkuu ka dambeeyane naasuhu way ku dabcaan khaasatan markuu uurku isku dhaw dhaw yahay.
  • Da'da: kullamaa da'da haweentu ay weyn tahay kullamaa naasuhu ay jilcaan, kullamaa naasuhu ay wayn yihiin, kullamaa ay la jilcaan da'da.
  • Miisaanka jirka: qofka oo si dhakhso ah miisaan ku fuulo ama si dhakhso ah uga dhaco weliba markuu miisaanka dhacayo ama korayo uu ka weyn yahay 20 kiilo.
  • Jimicsiga: Orodka, rucelynta iyo gaardinta waa jimicsiga ugu badan ee naasaha jilciyo.

Markuu caaafimaadka ka hadlayo naaso jileeca wuxuu adeegsadaa erayga "Ptosis" kaasoo leh heerar lagu qiyaaso jileeca naasaha iyadoo heerkulbeegu yahay meesha ay ibtu kaga aadan tahay naaska.

Arrinta kale oo haweenku badanaa qaladka ka fahansan yihin waa in keeshaliga ama rajabeetadu ay naasaha ka ilaaliyaan jileeca iyo dhicintaanka ama xoojiyaan naasaha, taasina waa fikir qaldan oo haweenka qaar ku kallifa inay habeen iyo maalin ku joogaan xirashada naaso-gashiga.

Vaseline-ta & Daawada Ilkaha:
Vidoe-ga maalmahaan ay bulshadu isla dhex marayso kaasoo lagu sheegayo in vaselin-ta iyo macjuunta ay naasuhu adkeeyaan, waa arrin aan sal iyo raad caafimaadka ku lahayn, khaasatan daawada ilkaha waxaa laga qaadi karaa dhibaatooyin halis ku ah caafimaadka markii loo isticmaalo meelo aan ilkaha ahayn, Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah dadka fikradaan faafinayo inay dhaheen in daawada ilkaha la marinayo ibta naaska, waana halis sababtoo ah daawadaasi waxay u sii gudbi kartaa naasha iyadoo ka gudbayso tubooyinka caanaha soo qaado ee ibta ku furan, waana arrin laga qaadi karo cudurro halis ah.
Dhakhaatiirta ilkaha waxay ka digaan in daawada ilkaha aan loo isticmaalin maqaarka maadaama ay keento kor qallayl iyo dildillaac, iskaba daa in la mariyo ama lagu daliigo xubin xasaas ah sida naasaha oo kale.

Vaselin-ta sidoo kale waa maqaar-subkiye, loo adeegsado kaga hortagga kor qallaylka iyo dildillaaca maqaarka, laakiin uma gudbo waxna uma tarto jirka gudihiisa.

Ma jirtaa qaab naasaha loo adkeeyo:
Qaabka kaliya ee naasaha lagu adkeeyo waa in qalliin lagu sameeyo iyadoo xeyr lagu tallaalo ama la geliyo qalab sida buufinka oo kale ah, kaasoo dhowr nuuc u kala baxo, mana ahan waxyaabo loogu talagalay naas la damcsan yahay in ilmo la nuujiyo kaasoo ah hadafka uu Alle dumarka ugu abuuray naasaha. Ogow isbadalka ku dhaca naasaha waa arrin dabiici ah, mana ahan arrin la isku ceebeeyo ama u gaar ah qof gooni ah, waxayna la mid tahay isbadallada kale ee jirka ku dhaco.

Talo & Digniin:
Internetka waxaa lagu soo daabacaa qoraallo iyo video-yo been abuur ah oo hadafkoodu yahay kaliya in la daawado ama la akhristo, qaarkoodne ay xambaarsan yahay fariimo halis ku ah bulshada, marka waxaan ku talinayaa in wax walba oo internetka la soo geliyo aan la rumaysanin ama la dabbaqin, waxaa wax laga naxo ah in arrintaan ay tijaabiyeen haweenka qaar ka mid ah, kuwaasoo noo sheegay inay ku xanuusadeen, qaar waxay ka qaadeen infekshanka loo yaqaano "Mastitis", qaar kale xasaasiyad iyo naasaha oo bararay, qaarne maqaarka naasaha oo isbadalay.

Ogow wax walba oo aad akhriso ama daawato in aad iska hubiso adigoo weydiinayo dadka aqoonta u leh inta aadan ku tijaabin jirkaaga, ogow jirkaagu waa amaano Alle kuu dhiibtay sidaa rabtid kama yeeli kartid. Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

Qoraallo xiriir la leh:

Haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka si toos ah ula xiriirtid, massage ugu soo dir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Zakayow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Ku Dadaal Caafimaadka Naasahaaga.!
« Reply #1 on: December 16, 2018, 08:28:56 AM »
Asc daqtar wan kusalamay wana kaaga mahadcelinaa waqtiga iyo dadaaalka uheysid bulshada somaliyeeed intaa kadib

Daqtar suasheydu waxaan ahay wiil da'yar oo jira 19sano
Culeyskeygu wa 82kg dhererkeyguna wa 168ama 5.5

Marka dhaqtar inaa misan iska dhimaa rabaay waliba anigoo raba inaan 7days water fasting sameyo si dhaqso uu igadhaco culeyska ama fatska

Dhibaato cafimaad miyaan kala kulmi karaaa

Mahadsanid