Allied Health Professions > Radiology & Medical Imaging

Waa Maxay Mammogram?!

(1/1)

Waxbaro!:
Mamograamka ayaa ah raajo awood yar oo lagu garto kansarka naaska, qaarkood oo aad u yar, oo xataa aan la taaban karin.
Baarida ayaa qaadata 30 daqiiqo waxayna u baahantahay in la isku diyaariyo.

XASUUSNAW:
1. Ha soo marsan waxyaabaha la isku carfiyo, sida kan taqfalaha la marsado ama boolbiraha ka hor inta aan raajada lagu saarin.
2. isku day in aad xirato labo shay sida(goono iyo shaar ama surwaal iyo shaar) maxaa yeelay, waxaad u baahnaaneysaa in aad iska bixiso dharka ka koreeya dhexdaada oo idil.

Baaritaanka mammogram ayaan laheyn wax xanuun ah, balse waxaad la kulmi kartaa dhib marka lagaa riixo naasahaaga ama la majuujiyo. Ka dib marka naaska lagaa baaro, waxaa muhiim kuu ah in bil walba mar aad eegto naaskaaga.
 
Waa muhiim in aad barato sida naasahaada ay u samaysan yahiin. Ka dib markii aad barato sida jirka caadiga ee naaskaaga aad u dareemi karto, ayaad awood u yeelanaysaa in aad dareento hadii wax isbadal ah ay dhacaan.

Burooyinka naasaha ayaa ay ogaadaan naagaha nafsadood, sidaa darteed baarid bishii hal mar aad isku samayso ayaa qayb weyn ka qaadanaysa sidii goor hore loo heli lahaa kansarka naasaha.

Su'aal hadaa qabto halkaan ku waydii
Waxbaro!

PrincessMuni:
Intersting, i had a presentation about Breast cancer, mammogram and Breast self examination (BSE)
 
"The biggest misconception about mammography is that it picks up every breast cancer. In fact, mammography misses at least 10 percent of breast cancer. So if you feel a lump that doesn't show up on a mammogram, bring it to your doctor's attention. Get it evaluated."

the every month test that Waxbaro! is talking about is Breast Self Examination
which is so necessary for girls and women to know how to do it
and what is it that you should check
for more information, check this website...

http://www.breastcancer.org/symptoms/testing/self_exam/bse_steps.jsp

Navigation

[0] Message Index

Go to full version