Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)

(1/2) > >>

SomaliDoc:


Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia.
Sokorta Glucose-ta waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.

Sababaha
Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo:

* Jir dhis fara badan ama jir dhis aan la qorsheysannin.
* Xanaaqa iyo kacsanaanta hormoonada qaar waxay ridaa sonkorta e.g: dad ayay sonkorta ka dhacdaa markii ay dagaallamaan.
* Daawada sokorta oo xad dhaaf aad u qaadatid - (waa haddii aad Sonkor qabtid)
* Cuntooyinka la seego ama la daahiyo ama qofka oo cunno xumi qabo.
Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa inaad dareentid:

* War-wareer, lulasho, isku dhex yaac, daciiftinnimo ama daallanaan
* Dhidid
* Gaajo
* Dabci beddel ama iska xanaaqaysid ama aan si kala cad u fekereynin
* Aadan awoodin inaad hadasho
* Aragga caad kaa fuulo
* Aad dareento wadnaha oo si xawli ah kuu garaacaya
* Aad dhinacyada afka iyo faruuryaha ka dareento kabaabyo
* Maduxu ku xanuuno
Daryeelkaaga
Marka sonkorta dhiiggaagu ay dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh.

Haddii aad qabtid cudurka macaanka, sidaan samayn:

* ½ koob ama 120 millilitir oo casiir ah, Maahan cabitaannada sonkorta aan lahayn ama kalooriska aan lahayn.
* 3 ama 4 kaniini oo gulukoos ah
* 1 qaaddo ama 15 millilitir oo sonkor ah
* 1 koob ama 240 millilitir oo caano ahSonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay.
Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo.

* Haddii ay kuu tahay waqtigii aad cuntada cuni lahayd, cun cuntadaadii caadiga ahayd.
* Haddii cuntadaada xigta ay ka badan tahay saacad, cunto fudud sii cun. Isku day sandiwij barkiis iyo 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah.
Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda

* Raac qorshaha cunto cunidda. Cun cuntooyin iyo cunno fudud isla waqti maalintiiba. Ha seegin hana ka daahin cuntooyinka.
* Hubi oo diiwaan geli heerarka gulukoostaada. Haddii ay sonkortaadu hoos u dhacdo in ka badan 2 goor toddobaadkiiba, dhakhtarkaaga la xiriir. Waxaa laga yaabaa in isbeddello lagu sameeyo cuntadaada, daawada ama sameynta jir dhiska.
* Daawadaada sonkorowga u qaado sidii lagu faray. Ha qaadannin daawo sonkorow oo dheeraad ah iyadoo uusan dhakhtarkaagu kugula talinnin.
* Si joogto ah jir dhis u samee.
Haddii aad ka mid tahay dadka mar walba sokortoodu ay dhacdo:

* Waqti kasta ha kuu taallo cuntooyin fudud sida shukulaato, malmalaaddo, iyo casiir.
* Dadka kale ee kula shaqeeya ama kula nool u sheeg inaad qabtid cillada dhicista sokorta.Cilladaan waxaa badanaa lagu qaldaa, astaamaha la dareemo markuu qofka xanaaqo taasoo ay isku astaamo dhaw yihiin, Fadlan akhriso qoraal ku saabsan xanaaqa xad dhaafka ah iyo siduu jirka u saameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6563.0
http://somalidoc.com[/list][/list]

Shire:
adbad umahasantihin suaashayda ugu danbaysa waxay tahay hadi an iska isticmaalo dawadaaas ad kor kuso qortay oo ad dhahday dhididka ayay yaraysaa ano isbaarin wax dhib ah miyay ikenikartaaa?

SomaliDoc:
Inta aadan isticmaalin daawo waa in aad dhakhtar la kulantaa marka hore.
Daawadaan kama mid ahan daawooyinka sida tooska ah loo gato ee loo yaqaano "Over-the-counter medicines"

Shire:
mahasanidin in badan

Abdalla22:
asc dhamaan dhaqtarada
alle ayaa mahad leh noo fududeeyey aaladan faaidada badan sidoo kale mahadsanidiin dhaqaatiirta somaliyed alle ha idiin dhowro aakhiro iyo aduunba
astaamahan aad soo xustay ee sonkorta dhacda aniga ayaa bilahan isku arkay waanae dareensanaa inay wax qaldanaayeen xagga dhiig kar ama sonkorta
 dhaqtar waan la xiriiray lkn wax cilad ah ima sheegin
ciladaan waxaa dareemaa marka aan shaqo culus hayo xogaa gaajona dareemo
wareer iyo indhaha oo caad fuulo kadib hadii aan wax cuno caadi ayaan iska noqdaa 30 daqiiqo kadib
suashayda dhib intee la eg ayeey ladahay sonkorta dhacda aan ka ahyn wareer iyo indhaha oo caad fuulo
wax yeelo kale oo dheeri ah haday jiraan
thanks all doctars

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version