Author Topic: Su'aal: Cudurka Dabeysha ayaa lug samayn iiga yelatay?  (Read 2648 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xaane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cudurka Dabeysha ayaa lug samayn iiga yelatay?
« on: August 03, 2016, 10:40:23 AM »
Asc Doctor

Salan ka bacdi Diktore waxaa igu dhacday cudurka dabesha anigoo yar al xamdu lilaah si fiican aya la iiga daweeyay laakin hadeertan lug ayay saameyn ku yeelatay aan sidaas u badnayn  marka lugta wax yar ayay tan kale ka yartahay dhanka murqaha iyo dheerar kaba seediina ma hayo ay lugtu lahayd.

Marka waxaan donayay inaan murqahaas wa ka qabto iyo seeda macquul ma tahay in lasoo celiyo Murqihi iyo seedii .

Insha allah jawaab waafi ah ayaan kaa sugayaa aniga iyo Akhristayaasha ku xiran Shabakadan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka Dabeysha ayaa lug samayn iiga yelatay?
« Reply #1 on: October 02, 2016, 08:49:23 PM »
Murqaha iyo seedaha markay naafoobaan muddane ka soo wareegato, waxqabadkooda wuu xadidan yahay khaasatan haday cilladu ahayd fayrasyada dhaawaco neerfaha dhbarka ee kontaroolo murqaha lugaha sida dabeesha oo kale.
Isbadallada la dareemo badanaa waa markuu cusub yahay xanuunka, laakiin hadduu kale, waxaa laga yaabaa in lagu dhaho seedka ayaa la goynaa si lugta u dheeraato laakiin dhib kale inay ka dhalato ayaa dhici kara.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: