Author Topic: Su'aal: Madaxa ayaa i jareeyo markaan gabadh la fadhiisto?  (Read 23722 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mr Mahamed

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 57
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madaxa ayaa i jareeyo markaan gabadh la fadhiisto?
« on: October 28, 2016, 03:13:07 PM »
su all ditoore marka aan lafadhiisto gabadha aan jecalahay ama qofkale oo akteyda qiiyo kaleh oo aan xushmeeyo waxaan madaxa ka dareemaa in uu ijareynaayo mudo dhan 20 minit markaas ka badi caadi ayaan noqdaa thanks doctor




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madaxa ayaa i jareeyo markaan gabadh la fadhiisto?
« Reply #1 on: November 02, 2016, 06:29:17 PM »


Waa arrin jirta, dhalinyarada qaarne way la kulmaan, waxaa loo yaqaanaa magacyo badan sida "Stress induced head tremors", "Anxiety head shaking" iyo kuwa kalaba, waxayna astaan u tahay cillada welwelka ee loo yaqaano "Social Anxiety" ama "Social Phobia".

Waa gariir ama jarayn laga dareemo jirka qeyb ka mid ah markii si kadis ah aad u naxdid ama niyadda ay u kacdo sida markii aad agfadhiisatid gabadh aad niyadda ka jeceshahay, aadna ka cabsanaysid in aad la hadashid, waa tusaalaha aad sheegtay laakiin siyaabo sidaa la mid ah ayaa lagu dareemaa, waana xishood ay la socdaan welwel, cabsi iyo niyad kacsanaan.

Ma ahan wax xanuun ah oo daawo u baahan, waana ka koraysaa, waana la qabsanaysaa markii aad dhowr jeer la kulantid xaaladahaas, waa wax aad adiga kontarooli kartid, waxaana lagu tiriyaa nooc ka mid ah ka cabsashada bulshada ee loo yaqaano "Social phobia"

Gariirka wuxuu qofka ka dareemi karaa meelo kala duwan sida gacmaha, madaxa, lugaha, dhinaca feeraha, barida, xubnaha hoose, bowdyaha ama jirka oo idil.

Qaabka ay u timaadane waa in jirka uu ku badanayo hormoonka loo yaqaano "Adrenaline" sida markuu qofka naxo, xishoodo, xanaaqo, welwelo, tan ayaa keenaysaa inuu qofka jareeyo, wadna garaac dareemo, dhidid badan, hadalka ku cuslaado ama ku shigshigo iyo af-qallayl yeesho.

Waxyar kadib sidiisii caadiga ehayd ayuu qofka ku noqdaa hadduu isdajiyo ama uu la qabsado xaaladda uu ku sugan yahay, wax dhib ahne ma keento aan ka ehayn in qofka uu dareemo xaraj ama bahdilaad.

Haka welwelin arrintaan waad ka gudbaysaa, dhalinyaro badan ayaa la kulma, keligaa ma ahan.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: