Author Topic: Su'aal: Dhib habeenkii i haysta?  (Read 3742 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mumtaz Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhib habeenkii i haysta?
« on: October 29, 2016, 10:38:44 PM »
dector waxaan kaa codsanayaa inaad iga caawiso su'aal aan bari horena kusoo waydiiyay lkn aanaan arag jawaab waxay dhib iga hasataa habeenkii inaan isku kaajo anoon dareemayn oo aanaan toosayn markay kaadi iqabato waligayba sidaas ayaan ahaa anoo 1 ji ah baa dhakhtar la ii geeyay iyo anoo ka yar ba wuxuu i siiyay kiniin yar yar oo orange ah iyagoo kala duwanaa hadana isku kiniin bay isiiyeen mid kastaana wuxuu dhahay niyadda u daji markay waynaato way ka bogsanaysaa hadda 17 jir baan ahay walina dhibkii waa i haystaa waxay noqonaysaa ama inaan kus eexdo casho la'aan iyo anoon waxba afka galin makhrib ku dhawaad illaa kadib aaanay kaadiba i qaban ooon sidaas kusoo tooso ama inaan wax cuno oo hadii urea samaysantoba aad soo tooso iyadoo anaan dareemin oo iga timi dector markaa dhikan waa maxay? maxaa talo ah ?se maka bogsan karaa mise hadii aaan 17 la gaadhay waligay saasaan ahaaanayaa se ma jiraan dad wawayn oo sidaasa oo aan ka bogsan waligood oo sidii haneenkii kaadidaasi uga timaaddo. allahna caafimaad baan ka baryayaa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhib habeenkii i haysta?
« Reply #1 on: November 02, 2016, 06:10:48 PM »
Insha'llah, waad ka bogsan doontaa weligaa ma ahaan doontid sidaan.

Sida aad tilmaantay waa cillad kugu soo bilaabatay adigoo yar, waana markii aad seexatid kaliya, weliba aad wax cuntid ama cabtid.

Taasi way sahlan tahay, waxaad u baahan tahay tababar kaadiheysta ah si loo programmiyo loona baro kaadi-xajinta.

Waxaad u baahan tahay qof kaa caawiyo arintaas inuu kula joogo, waa in aadan biyo cabin markaad cashaysid, marka ugu dambayso oo aad sariirta tagaysidne waa in aad soo kaadisaa, haddii ay wax yar xittaa ku hayso, waana in saq-dhexe lagu too siiyo habeen walba, kaadi haku hayso ama yaysan ku haynin si aad musqusha u aadid oo kaadi iskugu daydid, si aayar oo tartiib ah ayaa waqtiga lagu kcinayo habeen walba loo dib dhigayaa illaa la gaaro xilliga salaada la isku kacsho, haddii sidaa lagu wado, kaadiheystaada waxay baran doontaa kaadi xajinta.

Waxaa kaloo la sameeyaa, maalintii kaadi markay ku qabato isku day in aad xajiso intii awoodaada ah inta aadan kaadin, waxaad kaloo samaysaa marka aad maalintii kaadinaysid isku day in aad dhowr jeer kaadida joojisid inta aad kaadinaysid si murqaha kaadiheysta xukuma ay jimicsi u helaan.

Talooyin badan oo sidaan oo kale ayaa jira, maxaa yeelay xilligii daawada ay waxtari lahayd badanaa waad ka soo gudubtay, waxaa loo baahan yahay, tababar adag, dulqaad iyo go'aan adag. insha'llah waa ka gudib doontaa arrintaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?

Started by DalmarowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6920
Last post February 08, 2019, 09:19:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 79252
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61818
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?

Started by DargaayBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12846
Last post April 14, 2011, 07:15:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17262
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc