Author Topic: Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?  (Read 6661 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dalwanaaje

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?
« on: December 02, 2016, 02:40:38 PM »
Asc.
Diktoore Aroos cusub ban ahay. Xaaskayga markii aan is idhi u galmood Waxay dareemaysaa xanuun badan iyo pressure ay ka dareemayso xubinka taranka, markii an salaaxay, wakhti ku filan ee an isku dayo xanuunkii way dareemaysaa markaa ma bikronimadaa mise cillad kale ayaa jirta talaw. Dareenkii way leedahay oo baahidii way dareemaysaa lakin markan geedka is dhaho geli ayey xammili waayeysaaba, waxa kale oo jirta madax xanuunkii ay doraad dareentay ayaan ilaa iminka qaboobin oo marqudha aanay ka nefisayn. Taladaada ayan u baahanahay oo aad mooddo inay ka waxtar badantahay tan businesska ah ee kiniinka kugu raraysa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?
« Reply #1 on: December 28, 2016, 07:59:19 PM »
Haweenta oo dhibsato galmada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Dyspareunia", waxaa keeni kara cillad caafimaad ama mid nafsaani, xanuunka wuxuu ka imaan karaa mid cawrada agagaarkeeda u dhaw ama mid gudaha jira dhinaca minka ama miskaha.

Si loo ogaado cilladaan waxa keenay waa in warbixin dheeraad ah laga helo meesha ay xanuunka ka dareemayso, qaabka ay u dareemayso iyo muddada uu xanuunka haynayo.

Dhibaatooyinka ugu badan ee keena xanuunka ay haweenta dareento xilliga galmada waxaa ugu horeeyo arrimahaan:
  • Gudniinka fircooniga.
  • Qalleelka cawrada.
  • Nabar ku yaallo cawrada dibadeeda ama gudaha.
  • Infkeshanka dhaawaco xuubka cawrada oo dhowr nuuc noqon kara.
  • Infekshanka kaadi mareenka ku dhaco khaasatan dhinaca kaadiheysta.
  • Cilladda casiraadda cawrada, caafimaad ahaanne loo yaqaano "Vaginismus" waa cillad ku badan gabdhaha guurka ku cusub, wuxuuna ku bilawdaa cabsi ama naxtin ay gabadhu ka cabsanayso galmada, taasoo keenayso in murqaha cawrada ay kogaan ama isku soo aruuraan khaasatan markuu ninkeeda damco ama isku dayo inuu howsha bilaabo, taasi waxaa looga hortagi karaa in waqti ku filan aad siisid si cabsida iyo welwelka u baaba'o inta howsha aadan u guda galin khaasatan haddii aad da' ahaan ka wayn tahay, waqti ayay qaadan doontaa laakiin cilladaan waa laga gudbaa badanaa markaad is barataan.

Hadduu xanuunka joogto noqdo waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtarad haweenka ah la xiriirisid si loo wiisiteeyo loogana shakki baxo haddii ay jirto cillad u baahan daawo ama xal kale.

Qoraal xiriir la leh: Hammi Yarida Haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3818.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan ahay nin dhalin yara ah Oo Ka Ganacsada iibinta Gaaska?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5999
Last post March 18, 2016, 12:05:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?

Started by MirhaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8660
Last post August 18, 2015, 12:06:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Allergi Ayaan Qudaarta Qayb ka mida ku ahay?

Started by DooyaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4360
Last post September 11, 2015, 01:42:45 PM
by SomaliDoc
Su'aal : waxaan ahay anosmic person (qof waxba-urin) ?

Started by AqoonyhankaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3751
Last post March 03, 2016, 02:02:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?

Started by Nimco JamaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5288
Last post June 05, 2016, 07:52:15 PM
by SomaliDoc