Author Topic: Su'aal: Qolofta ama jilifta ku dhalata qooraha?  (Read 3977 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Shaafa Kabayare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qolofta ama jilifta ku dhalata qooraha?
« on: December 01, 2016, 12:11:15 PM »
asc
salaan kadib aad baad u mahadsan tihiin bahweynta somalidoc oo har iyo habeenba u heellan in ay u adeegaan bulshadooda.
waxaan qabaa su'aal waxa ay tahay su'aashu jilifta /qolofta maqaarka sare ee qooraha ama kiishka xiniinyaha ku sameysanta
maxay tahay? weliba ayadoo wax dhaawac ah aysan qofka gaarin.
gaar ahaan xilliyada qaboobaha ayaan anigu isku arkay.
mahadsanidiin.
insha Allah jawaab wacan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qolofta ama jilifta ku dhalata qooraha?
« Reply #1 on: December 28, 2016, 07:40:45 PM »
Qolofta ama jilifta ku samaysanto qooraha waxyaabo badan ayaa keena laakiin hadduusan la socon wax xanuun ah ama cuncun ama nabaro furuuruc ah oo ka soo yaaco sida aan ka filayo cabashadaada, waxay noqon kartaa cilladda loo yaqaano "Scrotal dermatitis" ama "Scrotal Eczema".

Waa nooc ka mid ah xasaasiyadda qooraha ku dhacdo, wuxuu qofka isku arkaa qolof ku samaysanto qooraha, kadibne ka daadanayso, maalmo ka dib haddane dib u soo fuulayso, waxaa u daran xilliyada qabowga sida aad tilmaantay, markaas oo jirka aad u qalalo.

Qofka qabo cilladaan waxaa lagu yaqaanaa inuu xasaasiyad ku qabo waxyaabaha qaar ama uu leeyahay mid ka mid ah cilladahaan sida sanboorka, cuncunka indhaha, xajiinta jirka ama neefta ama xiiqda.

Waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar maqaarka ku takhassusay si laguu eego, daawane laguugu qoro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 20433
Last post December 02, 2017, 04:00:57 PM
by Ali Omar
Su'aal: nabro ka soo baxay qooraha kadibna canbaar isku badalay?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7778
Last post August 26, 2011, 08:59:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?

Started by Ugaas141Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 78492
Last post February 10, 2016, 05:23:25 AM
by Abu-ayub
Su'aal: Waxaan isku arkakay qooraha oo aad ii cun cuna?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3947
Last post April 04, 2016, 01:29:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qooraha oo i xanuuna?

Started by ShafkuusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 11649
Last post January 05, 2011, 05:16:49 PM
by SomaliDoc