
Daawooyinka xanuun-baabi'iyeyaasha (analgesic) waxa loo kala qaadi karaa saddex qaybood:
# obiyoodh (opioids),
# obiyoodh ma ahe (on-opioids), iyo
# xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah (combined analgesics).
Obiyoodhka (opioids)Xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodh ah (opioids analgesics) waxa kale oo loo yaqaanaa xanuun-baabi'iyeyaasha naarkootiga ah (narcotic analgesics). Waxa loo isticmaalaa in laga nafiso xanuunka daran waxana badanaa loo qoraa bukaanka ka bogsanaya qalitaanada iyo
dhaawaca culus. Xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodhka ah (opioid analgesics) waxa ka mid ah:
# Codeine,
# Fentanyl,
# Meperidine,
# Methadone,
# Morphine,
# Pentazocine, iyo
# Tramadol.
Obiyoodh-ma-ahe (non-opioids)obiyoodh-ma-aheyaasha waxa kale oo loo yaqaanaa naakootig-ma-aheyaal (non-narcotic drugs). Waxa badanaa loo isticmaala in lagaga nafiso xanuunka khafiifka ah ee ka yimaada madax-xanuunka, xanuunka muruqa iyo laabatooyinka iyo xanuunka caadada.
Xanuunbaabi'iyeyaal badan oo ah obiyoodh-ma-ahe ayaa farmasiiyada iyo dukaanada laga iibsan karaa iyadoo aan warqad dhakhtar la haysan. Obiyoodh-ma-aheyaasha (non-opioids) waxa ka mid ah:
# Etodolac,
# Fenoprofen,
# Ketoprofen,
# Ketorolac,
# Mefenamic acid,
# Paracetamol, iyo
# Piroxicam.
Qaar ka mid ah obiyoodh-ma-aheyaasha (non-opioids) ayaa waxa kale oo ay leeyihiin faa'iido ah yareyn barar, waxana kuwaa loo yaqaanaa daawooyinka lidka-bararka ee aan ahayn istariyoodh (non-steroidal anti-inflammatory drugs) (NSAIDS), waxa kuwaa ku jira:
# Aspirin (NSAID),
# Diclofenac (NSAID),
# Ibuprofen (NSAID),
# Indomethacin (NSAID), iyo
# Naproxen (NSAID).
Xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah (combined analgesics)Xanuun-baabi'iyeyaasha qaarkood waxay ka sameysan yihiin daawooyinka obiyoodh-maaheyaasha ee khafiifka ah sida asbiriinka ama baaraasitimoolka (paracetamol) oo lagu daray qadar yar oo ah obiyoodh (opioid) gudaha hal kiniin. Xanuun-baabi'iyeyaashaa iskudarka
ah waxa badanaa loo qoraa dadka si ku filan aan uga faa'iideysan obiyoodh-maaheyaasha (non-opioids) kaligood.
Dadka uu ku dhaco dhafoor-xanuunku (migraines) waxay isticmaali karaan xanuun-baabi'iyeyaashaa isku-darka ah.
Xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah waxa ka mid ah:
# Asbiriin uu ku jiro codeine,
# Dextropropoxyphene uu ku jiro paracetamol,
# Dihydrocodeine uu ku jiro paracetamol,
# Paracetamol uu ku jiro codeine.
Sidee bay u shaqeysaaXanuun-baabi'iyeyaasha kala duwani waxay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan. Qaarkood waxay shaqeeyaan iyaga oo yareynaya xanuunka ka jira goobta dhaawaca (NSAIDS), halka qaar kale ay dhambaalada xanuunka ee ka tagaya cirifyada dareemeyaasha ay ka
horjoogsadaan inay u gudbaan maskaxda. Si buuxda looma fahamsana sida dhamaan xanuun-baabi'iyeyaashu u shaqeeyaan.
Xanuun-baabi'iyeyaasha waxa badanaa loo isticmaalaa qaab ah kiniin ama kaabsal, laakiin waxa kale oo la heli karaa iyagoo ah cabbitaan ama hoore (syrup), dabo-galis ama subooso (waa daawooyin la galiyo malawadka ka dibna ay nuugaan xididada dhiigga ee gidaarka malawadku), waxa kale oo jira mudis (injection).
La soco qeybaha xiga.