Author Topic: Su'aal: Biyaha Ragu ma dhamaadaan?  (Read 8318 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gobdoon

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Biyaha Ragu ma dhamaadaan?
« on: January 20, 2017, 04:02:33 AM »
Ascw, saaxiibkay OO Xaas iyo caruurba leh ayaa i sheegay, mudo 2 sano ah inaanay ka Iman biyihii Marka laga reebo In yar OO hal bixid ah, oo iyana Midab cagaran oo khafiifa.
Mudadaas caruuri uma dhalan. Beriguu Yaraa xanuun Kaadi dhiig uu ku sheegay ayaa ku dhacay,in kastoo uu mudo qarsanaayay wa laga daweeyay berigaas.
Su,aashaydu waa Biyaha Ragu sideedaba mA dhamaadaan isagoon ninku dada50 jirka gaadhin? Xaaladan gaarka ah ee walaalka maxaa kaga talabixinaysaan?
F/G:-Ogolaansho ayaan u haystaa so bandhigista xaalada gaarka ah.
Mahadsanidin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyaha Ragu ma dhamaadaan?
« Reply #1 on: June 11, 2017, 12:44:43 PM »
Maya, shahwadu ragga kama dhamaato waana arrin uu Alle ugu talagalay oo si joogto ah ayaa loo soo saaraa, Raggu wuxuu soo saari karaa 2 ml oo shahwo ah, waxaana ku jiri kara xawo ama "sperm" oo 20 million, waa laga yaabaa xanuun dartiis in xawadu ay yaraato ama lawaayo, laakiin biyuhu way jirayaan mar walba.

Dumarku ugxantodu way dhamaataa oo iyadane waa arrin Alle ugu tala galay. Haweenku way ku dhashaan inta ugxan ay u baahnaan lahaayeen noloshooda, markay dhashaan ka dib wax ugxan ah lama sameeyo, waxaana la qiyaasaa in 2 million oo ugxan uu Alle ku abuuray haweenka laakiin qiyaastii 11,000 oo ugxan ayaa bil kasta dhimato inta ay haweentu ka qaan gaarayso.

Haddaan u soo laabto cilladda saaxiibkaa, kaadi dhiigga waxaa keeno cudurro kala duwan, kuwaasoo qaarkood raad dhaawac ku reebo kaadiheysta ama tubada xubinta taranka, cilladaas haday timaado waxaa badanaa dhaca in shahwadii banaanka u soo bixi lahayd ay dib ugu laabato kaadiheysta ama in shahwadu ay soo mari wayso tubada oo dhibic oo kale u soo baxdo.

Akhriso qoraal ku saabsan biyo-baxa aan shahwada wadan iyo waxyaabaha keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2157.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18433
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13576
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7499
Last post October 16, 2015, 11:59:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35218
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15392
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc