Author Topic: Su'aal: Muxuu keeni karaa gooryaanka Trichura trichiura?  (Read 5403 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Husni

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Muxuu keeni karaa gooryaanka Trichura trichiura?
« on: March 26, 2017, 10:10:59 PM »
Asc wr wb bahda dhaqatiirta somaliyed iyo aqristayasha kuxeran bogan, salan kadib waxan raba in aan idin lawadago suashan:-

side ayuu sameyn ugu geysa kara prasite Trichura trichiura in young children ? how to diagnose? prevention?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Muxuu keeni karaa gooryaanka Trichura trichiura?
« Reply #1 on: July 02, 2017, 11:23:38 AM »
Trichuris waa gooryaan jeedaleed, waxaana magacaas loogu bixiyay inuu eg yahay sidii jeedalka oo kale, waxaa laga qaadaa nadaafad xumada iyadoo qof xanuunsan saxaradiisu ay cunnada gaarto ama gacmaha lagu kala qaado kadibne iyadoo la iska dhaqin cunnada lagu cuno.

Ukunta gooryaanka waxay ku dhex dillaacdaa mindhirrada iyadoo gooryaan isku badasho, hadduu gooryaanka ku dhex bato caloosha wuxuu keenaa calool majiir, shuban dhiig, xaaladaha qaarne dhiigyari.

Waxaa xanuunkaan lagu ogaadaa, baarista saxarada iyadoo alga eegayo ukumaha gooryaankaan, waxaana lagu daaweeyaa daawooyinka Mebendazole ama Albendazole.

Xanuunkaan haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa nafaqo darro ama malawadka oo caruurta ka soo dhaco jiirashada awgeed, dhiigyari iyo korriimo la'aan.

Waxaa looga hortagi karaa in saxarada laga fogeeyo meelaha lagu dhool yahay, gacmaha la iska dhaqo cunnada ka hor, cunnada aan la karkarinne la iska dhaqo sida qudaarta iyo furutada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: