Author Topic: Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!  (Read 51918 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!
« on: November 03, 2017, 02:53:33 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadli doonnaa cabasho aan ku soo bandhignay boggeena Facebook, taasoo u qornayd sidatan:
Quote
"Ma isku aragtay dhabar xanuun iyo caadada oo soo daahdo, markay timaadane ay aad u yar tahay, naasaha oo qoyaan caano u eg ka yimaado adigoo aan uur lahayn, ilmana nuujinayn, hammi yari iyo isu-tagga sariirta oo xanuun ku dareentid, wajiga oo finan iyo xaad ka soo baxaan iyo uur la'aan in muddo ah?"


Inta aan u guda galin faahfaahinta cilladaan, waxaan rabaa in dhowr arrimood u caddeeyo akhristayaasha, sababtoo ah asxaab badan ayaa nala soo xiriirtay iyagoo aaminsan inay cilladaan qabaan, laakiin waraysi kadib cilladoodu ay noqdeen arrimo kale.

  • Midda 1-aad in caadadu ay khalkhal gasho waa arrin aad ugu badan haweenka, taasi maahan in qof walba oo caado wareer isku arko inuu xanuunsan yahay ama wax ka khaldan yihiin maxaayeelay waxyaabo fudud ayaa caadada soo daahin karo ama soo dadajin karo, marka haddii aad isku aragtay caadada oo wareersan kaliya oo cillad kale la socodn, fadlan akhriso qoraalkaan ayaa ku anfaci doono: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
  • Midda 2-aad haddii aad ku xanuunsatid wareegga caadada adigoo isku arka dhabar xanuun iyo mindhicirro majiir, iyaduna waxay noqon kartaa arrin dabiici ah oo cillad aan ka tarjumaynin, waxaana jiro siyaabo dabiici ah oo xanuunkaas lagu yarayn karo ee halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2154.0
  • Midda 3-aad waxaa jiro arrimo si dabiici ah haweenka qaarkood iskugu arki karaan markuu wareegga caadada u soo dhaw yahay ama hayo, waana arrin ku lug leh isbadalka hormoonka ee dhacayo xilligaas waana ku meel gaar ee maahan wax sii jirayo caadada ka dib, waxyaabahaas waxaa ka mid ah: finan wajiga ka soo yaaco, naasaha oo culeys noqdo, danqashane laga dareemo iyo sinta ama lugta oo lagaa qabto.


Intaas kadib, haddii aan u gudbo casharkeena maanta oo ku saabsan cilladda caado wareerka oo ay la socdaan dhalmo la'aan ama dilan joogto ah, xaad wajiga ka soo baxdo, naasaha oo caano soo galaan iyadoo uur iyo nuujin toona jirin, wajiga oo finan joogto ah yeesho, hammin yari iyo galmada oo xanuun lagu dareemo, welwel iyo diiqad joogto ah iyo cayil aadan isku aqoon jirin. intaas oo isla socdo waxay astaan u tahay laba cudur oo badanaa la isku qaldo oo kala ah:

  • Cilladda Kacsanaanta Hormoonka "Prolactin": Cilladaan haween badan ayaa lagu arkaa inkastoo aan dhakhso lagu baraarugin, faahfaahinteeda iyo waxyaabaha keeno ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6359.0
  • Cilladda Ugxansidaha Fiixda Leh "PCOS": Tanne waa cillad kale oo u eg midda kore, laguna khaldo, waxay kaga duwan tahay kaliya in naasaha aysan caano soo galin laakiin inta kale waa iskaga mid, faahfaahinta cilladaan, waxa keeno, qaabka loo baaro iyo siyaabaha loo daaweeyo intaba ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3126.0

Haddii aad dareensan tahay in arintaadu ay ka duwan tahay cilladaha aan kor ku soo xusay ama aad u baahan tahay latalin khaas ah oo ku saabsan mid ka mid ah cilladahaas igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Caafimaad buuxa baan idiin rajaynayaa.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Moha bashiir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!
« Reply #1 on: August 01, 2018, 07:47:12 PM »
Asc Doctor waan ku salaamay walal salaan kadib waxaan kaga mahadcelinayaa sida hagar la'aanta ah oo aad cilmaaga oola bar-bar taaganthy bulshadaada somaliyeed waxaan ilaahay kuu weydiinayaa in uu cilmaaga kuu barakeeyo...

Intaas kadib Doc waxaan in aan ku weydiiyo su'aal cafimaad

Dhamaadkii bishii april waxaan soo dilanty xaaskeyga waalala'tacaalay mudo yar kadib dilankii ayaa dib u soo beermay lkn xanuun buu la yimid dhaqtar bey tagty scan/ama Computer bey isa saarty kadib waxaa loo sheegay in ilmaha ay beermeen markale oo ay uur 3 week ah tahay waxay'se kula taliyeen in iska soo xaaqdo maadama ilmaha ay dhib badan muteen oo in ay kabsadaan ay waqti qadaneyso iyaduna uu xanuun ku hayo kadib wey iska xaaqday Daawooyin bey qadaty xanuunkii iyo dhacaankii wey ka bogsaty ,
bishii jun bilowgedii waxaa ku dhacay Cadadii weliba 2-ba mar oo isku xigta waxaan u maleynayaa maalmo in ay u dhaxeyeen labada Dhiig kadib wax caado ah oo ku dhacay ma lahan waxaan u qaaty in ay uur qaaday waxaan ka qaaday kadida waxay igu dhaheen Negative waxaan sugay week kale hadane markale ayaan ku celiyay sidii hore' waxay noqoty Negative waqtiga uu dhiiga ku dhici jiray waxuu ku dhacaa 28-ka dabcan waxuu dhiiga ka maqan yhay ku dhawaad 4 xili,,

marka Doctor maxaad nagula talineysaa maxaan sameynaa waxaase cilad ah oo jira mahadsanid


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162202
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64457
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 10083
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14386
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15384
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc