Author Topic: Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"  (Read 20261 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"
« on: November 27, 2017, 08:30:13 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay nabraha kuuskuusan ee qooraha ka soo baxo sida sawirka kore ka muuqdo.

Alle wuxuu jirka biniaadanka ku abuuray khaasatan meelaha tinta ka soo baxdo qanjirro yaryar oo maqaarka ku dhex jiro oo loo yaqaano "Sebaceous glands" kuwaasoo hadafkoodu yahay inay soo daayaan dheecaanno dufan leh oo jirka subkiyo, qanjirradaas waxay leeyihiin tubooyin ama marinno yaryar oo dibadda maqaarka u soo saara saliiddaas.

Waxaa mararka qaar dhacdo in marinnada qanjirradu ay xirmaan oo saliiddii ku xannibanto qnajirka kadibne muddo kadib jirku kuus ku samaysmo, kuuskaas oo marka hore jilcan oo markii la tuujiyo ama la bajiyo ka soo baxayaan wax cad oo jilcan, kaasoo ah dufankii iyo saliidii meesha ku xannibantay.


Meelaha badanaa lagu arko kuuskuuskaan waxaa ka mid ah qooraha, xaaladaasne waxaa loo yaqaanaa "Sebaceous retention cyst of the scrotum" ama "Epidermal cyst of the scrotum".

Markay muddo ka soo wareegato, dufankii kuuska isku badashay way adkaataa oo dhagax camal ayay meesha ku noqotaa, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "Calcified epidermal cyst".

Cilladaan inkastoo dhif ay tahay haddane waxaa lagu arkaa ragga da'da yar, wax xanuun ah lama dareemo mana la kala qaado, qooraha meelo ka baxsanne kuma faafto, kansarne iskuma badasho.

Sidee loo daaweeyaa fiixdaan?
Xalku waa qalliin fudud oo lagu soo saarayo dheecaanka ku xannibmay kuusaska qooraha ka soo baxay, waxayna fiican tahay in la qalo markay cusub tahay, sababtoo ah markay raagto way adkaataa ama way soo badataa illaa qooraha oo idil ku faafto, markaasne waxaa lala saaraa lakabka kore ee maqaarka qooraha.

Haddii aad nabraha sidooda u daysatid waxaa dhici kara in caabuq uu ku dhasho ama dillaacaan, laakiin dhib kale ma keenaan.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee Facebook-geena: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ali Omar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Fiixda Qooraha ee "Epidermal (Sebaceous) Cysts"
« Reply #1 on: December 02, 2017, 04:00:57 PM »
Asc. Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Waxan akhristay qoraal aad ku faahfaahisay cilladda Varicocele. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix korkeeda iyo gadaasheeda hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?


 

الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 9
Views: 19513
Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
by Mandeq
Su'aal: nabro ka soo baxay qooraha kadibna canbaar isku badalay?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7711
Last post August 26, 2011, 08:59:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?

Started by Ugaas141Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 78389
Last post February 10, 2016, 05:23:25 AM
by Abu-ayub
Su'aal: Waxaan isku arkakay qooraha oo aad ii cun cuna?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3927
Last post April 04, 2016, 01:29:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qolofta ama jilifta ku dhalata qooraha?

Started by Shaafa KabayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3954
Last post December 28, 2016, 07:40:45 PM
by SomaliDoc