Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Waxyaabaka Keeno Uur La'aanta Dilanka Ka Dib.

(1/1)

SomaliDoc:

Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa dhalmo la'aanta ay haweenku qaar isku arkaan markay dilmaan.

Inkastoo dilanku ama dhicintu aysan si toos ah u keenin madhalysnimo laakiin waxaa dhacda in haween badan ay dhali kari waayaan markay dilmaan, taasoo dhakhaatiirtu ay ku sheegaan arrimo kala duwan.

Hooyada oo uur qaadi wayso dilan / dhicin ama uur kadib, waxaa loo yaqaanaa 'Madhalaysnimada Labaad'.

Waxyaabaha ugu badan ee keeno arrintaan waxaa ka mid ah:

* Khalkhalka hormoonka: markay haweentu uur qaaddo wuxuu jirkeedu soo deeyaa hormoon loo yaqaano "Estrogen" oo hadafkiisu yahay inuu uurjiifka kobciyo, ugxansidahane ka ilaaliyo inuu ugxan kale soo daayo inta ay hooyadu uurka leedahay, marka ay hooyadu dilanto, hormonkaas wuu sii kacsanaadaa iyadoo jirka u sii maleeyo inuu uur jiro, taasi waxay ka hortagtaa in hooyadu uur kale qaado, marka waa muhiim in hormoonkaas la baaro, hadduu kacsana yahayne la siiyo daawo loogu tala galay oo hormoonka saxdo, si hooyadu uur kale u qaado. tan waxaa la mid ah markay hooyadu cunuga ka saqiiro in naasku uu godlan waayo oo ay u baahato daawo joojiso hormoonka kacsan ee caanaha soo daayo. arrimahaan waxaa lagu arkaa kaliya haweenka qaar, waxaana tilmaan u ah in caadada la waayo dilanka ka dib.
* Caabuqa / Infekshanka: Wuxuu ka mid yahay waxyaabaha keeno dilanka, haddii aysan hooyadu ku baraarugin waxay u badan tahay inaysan daawo raadsan dilanka ka dib, taasoo keeni karta in caabuq ku fogaado, dhaawacne gaarsiiyo ugxansidaha iyo tubooyinka, akhriso qoraal ku saabsan tubooyinka xidhan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0
* Dilanka aan dhameestirmin: haddii qeyb ka mid ah dilankii uu hooyada ku haro wuxuu keeni karaa in dhaawac haaro leh uu minka gaaro taasoo ka hortagi karta in ugxantu ku nagaan waydo meeshii loogu talagalay, waxaa kaloo cilladaan lagu arkaa haweenka dhaawaca ka soo gaaro qalabka lagu xaaqo uurka halaabay ama dilanka aan dhameestirmin, waa muhiim in hooyo walba oo dilanto ay xaqiijiso in minkeedu nadiif yahay oo aysan waxba ku harin khaasatan markuu uurka 3 bil ka waynaa.
* Cudurro Kale: Haddii ay hooyadu horay u qabtay xanuun dilan iyo madhalaysnimo keeni kara, kaasoo aan lagu baraarugin dilanka kadib waxaa suuragala ah inay uur qaadi wayso illaa laga ogaado waxa uu yahay, kadibne xal loo raadiyo hadduu daawo leeyahay.
Waxay kaloo haweenka qaarkood isku arkaan dilan xiriir ah ama soo noqnoqdo, waxaad link-gaan hoose ka akhrisataa xanuunada keeno in hooyadu ay si joogto ah u dilanto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0

Sidee loo xallin karaa madhalaysnimada labaad?
Haddii baaritaanno iyo wiisito kadib, la fahmi waayo sababta ka dambayso inay hooyada uur qaadi wayso ama daawooyinka lagu caawiyay ay wax ka tari wayso, waxaa lagu samayn karaa gacan-ku-rimin ama banaan-ku-rimin oo ah in shahwada ninkeeda iyo ugxanteeda lagu bacrimiyo banaanka, kadibne uurkii lagu beero minkeeda / raximkeeda.

Midda kale waa muhiim, haddii ay hooyadu ka cabanayso uur la'aan dilan kadib inay la xiriirto dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka oo aysan u dhakhaatiir kale.
Intii awlaad la'aan hayso, Alle ha siiyo awlaad baariyaal ah. mahadsanidiin.
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version