Author Topic: Su'aal: Hadduu dareenkeygu kaco, galmane aan samayn..?  (Read 6253 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Axmed lipaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hadduu dareenkeygu kaco, galmane aan samayn..?
« on: April 10, 2018, 12:57:44 AM »
asc Dr waad mahadsantahay waxaa abaal weyn ah faaidada aad u haysid umada somaliyeed cilmiga ilahay Ku siiyay na Allah hakuu siyaadsho
suaal ban qabaa
hadii uu dareenkaygu kaco anigoon wax galmo ah samayn waxaa aad I xanuusto xaniinyaha ilaa dhabarka xataa taabashadu way i damqaysaa arintaas xanuun wayn bay igu haysaa ilaa in 2 bilood ah ayaan iska arkay xanuunkan wax dhibaato ah oo ma dhalays nimo ah miyay ii keeni kartaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hadduu dareenkeygu kaco, galmane aan samayn..?
« Reply #1 on: December 19, 2018, 08:19:36 PM »
Cilladaan ma ahan mid adiga kuu gaar ah laakiin waa arrin dabiici ah oo ragga oo dhan isku arkaan waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Epididymal hypertension", waxaana la isku arkaa markuu qofka dareen galo, kacsado, biyahane aysan ka soo bixin.

Kadib wuxuu qofka qooraha ka dareemaa xanuun, danqasho, culeys iyo raaxo darro, hadduu qofku korkiisa cad yahayne xididada qooraha waxay yeeshaan midab buluug ah, taasoo arintaan loogu bixiyay "blue balls".

Waxaa badanaa la arkaa markii aad kacsi dareentid, biyahane aysan kaa imaan, awalne muddo 1 illaa 2 usbuuc aadan horay u biyo bixin.

Waxaa dhacdo in qulqulka dhiigga uu ku aruuro xaniinta, waxay arintaan badanaa ka sheegto dadka daawado sawirrada ama filimada xunxun kadibne qulqulkii dhiigga ayaa xiniinyaha ku xirmo, waxaana ku dhaco waxa loo yaqaano "dhiig-karka xiniinyaha", mana ahan wax halis ah, saacadaha ugu horayso ayaa laga yaabaa in xanuun siyaado ah ku qabto ama kaadida ku dhibto laakiin cadaadiska xiniinyaha fuulay tartiib ayuu ku yaraanayaa.

Halkaan ka akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada filimaanta jinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: HADII AY YARATO RIYADADA (JUNUUBID) ADOON SAMAYN WAX GALMA AH MUDO MAXAA KEENI KARA?

Started by DiiniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19660
Last post May 29, 2011, 09:27:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kabaayo marka hurdada laga soo kaco?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6203
Last post May 20, 2015, 02:43:28 PM
by SomaliDoc
Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 18160
Last post April 01, 2008, 01:56:07 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?

Started by Fadxi2019Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35794
Last post January 23, 2016, 01:13:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuunka lala soo kaco hurdada kadib?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8735
Last post October 19, 2016, 07:14:57 PM
by SomaliDoc