Author Topic: Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?  (Read 4512 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed_Carab

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?
« on: June 06, 2018, 05:28:23 PM »
Asc akhyaarta iyo hawl waneedada mareegta .. Ramadaan Mubaarak.

Muddo waxaan ku wareersanaa qaabka su'aal weydiinta ee mareegtaan .. walloow ay jiraan su'aalo aan hada ka hor soogudbiyay oon weli jawaab ka helin.

1) Su'aasheyda waxey tahay: Maxey kala yihiin "Xawo" iyo "Mini" (Sperm and Semen)?

2) ukunta lacabo ayadoo ceeriin ah (aan la karin mise la dubin) waxyeelo ma keeni kartaa; yacnii Salmonella ma sababi kartaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?
« Reply #1 on: December 30, 2018, 12:13:57 AM »
Jawaabta 1-aad: Sperm (Xawo) waa unugyo il-ma-aragto ah oo shahwada ku dhex jirto, waxaa la qiyaasaa 1 ml oo shahwo ah inay ku jiraan 20 milyan oo xawo ah, waana walxaha bacrimiyo ugxanta. Shahwo / Mini (Semen) waa biyaha cad ee ragga ka yimaado, waxaa dhici karta shahwada oo badan inay haddane hal ugxan laga waayo, qofkane madhalays uu yahay, halkaan ka akhriso waxyaabaha keeno cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2205.0

Jawaabta 2-aad: Waa sax haddii digaaga / dooradu ay qabto xanuunka tiifowga caloosha ku dhaco ee "Salmonella" in ukenteeda laga qaadi karo isla xanuunkaas. faafaahinta salmonella ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=990.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23375
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34054
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: labada naas iyo labada xaniin oo kala wayn?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10839
Last post August 30, 2015, 07:08:45 PM
by SomaliDoc
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41689
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan
Dood Wanaag: Maxaa Kala Haysta Soomaalida Minnesota iyo Tallaalka MMR?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 2
Views: 19061
Last post April 25, 2011, 05:41:18 PM
by MuslimDoc