Author Topic: Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.  (Read 25998 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.
« on: November 20, 2018, 03:32:30 PM »


Bismillah,

Waa casharkii aad sugayseen ee ku saabsanaa su'aashii ahayd: daawada ilkaha ee Colgate kansar maa laga qaadaa? sideene lagu xaqiijiyay aritaans?.

Marka hore, dhibku kama taagna daawada ilkaha laftirkeeda laakiin waxa buuqa dhaliyay waa maaddo jeermis dile ah oo daawada likaha lagu soo daray loona yaqaano "Triclosan"

Maadadaan waxay la dagaalantaa jeermiska keeno cabuqa ciridka ku dhaca ee loo yaqaano "Ginigivitis", sanadkii 2014 ayaa cilmibaarayaal maadadaan baaray waxay sheegeen inaysan caafimaadka u fiicnayn ayne keeni karto cillado badan oo ya ka mid tahay hormoonka jirka oo khalkhal galiso, wadnaha iyo beerka oo waxyeello u geysan karto, xilligaas shirkado badan ayaa joojiyay isticmaalka "Triclosan".

Sanad ka dib, waxaa la sameeyay baaritaan lid ku ah baaritaankii hore, wuxuuna sheegay in "Triclosan" haddii qiyaasteedu yar tahay 3% inaysan wax dhib ah u gaysanayn caafimaadka, inkastoo isla shirkadda Colgate lagu tuhmayo inay qeyb ka bixisay lacagta ku baxday cilmibaaristaan, sidaas ay tahayne hay'adda maraykanka ee kontaroosha cuntada iyo daawooyinka "FDA" waxay taageertay cilmibaaristaan inkastoo ay raacisay digniino aad ka arki arki kartaan baakadka daawooyinka ilkaha taasoo ah: in caruurta 6 sano ka yar in aan loogu cadaynin iyo haddii qof wax badan ka cuno daawada ilkaha inuu la xiriiro dhakhtar iyo haddii aad xasaasiyad ku qabtid inaad joojisid isticmaalkeeda.

Intaas kadib, shirkadda "Colgate" waxay bogeeda ku soo daabacday ogolaanshaha hay'adda FDA, wayna sii waday inay "Triclosan" ku darto daawada Colgate weliba nuuceeda "Total", digniintaasne ku dul qorto. laakiin shirkadihii kale oo idil way ka fogaadeen inay "Triclosan" ku soo daraan daawooyinkooda ilkaha. Akhriso: https://www.colgate.com/en-us/oral-health/basics/selecting-dental-products/triclosan-safety-fda

Wadamo badan ayay arintaan shakki ka abuurtay oo joojiyay keenista iyo isticmaalka daawadaan, waxaana ugu horreeyay dalka "Hong Kong" oo sanadkii 2014-aad joojiyay.

Iyadoo intaas la ogaa, ayaa bil ka hor waxaa soo baxay cilmibaaris kale oo sheegayso in daawada "triclosan" markii lagu tijaabiyay doolliyada cilmibaarayaashu adeegsadaan in mindhicirradooda ku samaysmeen nabarro iyo burooyin "Bowel Tumors", taas ayaa keentay in la yiraahdo, maxaa diidayo in bini'aadankane burooyin ku samayso, weliba markay muddo sanooyin isticmaalaan?! cilmibaarayaashaan ma aysan dhihin daawada ilkaha ayaa kansar keento laakiin waxay dhaheen: daawada "Triclosan" oo ku jirto "Colgate Total" waxaa la arkay markii doolliga la cunsiiyay inay burooyin ku samaysay, sidaa darteed waa digniin u baahan cilmibaaris dheeraad ah in laga sameeyo si loo ogaado in bini'aadankane dhib u keenayso.

Waxaa cilmibaaristaan ka hadlay cilmibaare ka tirsan xarunta cilmibaariska kansarka ee dalka ingiriiska wuxuuna dhahay: cilmibaaristaan ma ahan mid ku filan in la dhaho "Triclosan" kansar ayay keentaa, sababtuna waa iyadoo aan bini'aadan weli dhibkaas lagu arkin, midda labaadne iyadoo doolliyada la cunsiiyay meesha dadku ay ku cadaystaan daawada iyo xaddiga daawda "Triclosan" ee daawada ilkaha ku jiro oo aad u yar 3% taasoo dhib aan keeni karin.!

Weli, hay'adda maraykanka ee FDA kama hadlin arintaan, go'aan cusubne kama soo saarin aan ka ahayn in sanadkii hore ay tiri waxyaabaha gacmaha lagu dhaqo ee Triclosan ku jirto in la joojiyo isticmaalkooda maadaama la arkay in jeermisyada u yeelayso adkaysi "Bacterial Resistance". Akhriso: https://www.fda.gov/newsevents/newsroom/fdainbrief/ucm589474.htm

Maadada "Triclosan" waxyaabo kale ma loo adeegsadaa?
Haa, Triclosan waa maaddo jeermis dile ah oo lagu soo daro waxyaabo badan oo aan isticmaalno waxaana ka mid ah: saabuunta loo yaqaano "Dial® Liquid handsoap and bodywash" shaambada " Tea Tree Therapy™" biyaha wajiga lagu dhaqdo ee "Clearasil® Daily Face Wash", tirtiraha maqaarka ee " Dermalogica® Skin Purifying Wipes" Kareemka jirka la marsado ee " DermaKleen™ Antibacterial Lotion Soap" iyo kuwa kaloo tira badan, waxaad ku ogaan kartaa adigoo baakadka aad ka shakkisid ka fiiriya inay maadadaan ku jirto iyo in kale.

Talada SomaliDoc
Waxaa na la gudboon waxyaabaha lagu soo daray maadada "Triclosan" khaasatan "Colgate Total" oo aad ku badalatid kuwa kale haddii aadan haysan cadayga / rumayga, sababtuna ma ahan kaliya inay kansar keeni karto laakiin maadaama shakkiga maadadaan uu batay, anaguna aanan lahayn shaybaarro dowladeed oo xakamayn karo ama baaritaan ku samayn karo badeecooyinka wadanka la soo geliyo.

Waxaa dhakhtarka kala xiriirr kartaa bogga Facebook-ga: https://www.facebook.com/HealthySomalia


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12146
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin.. (WARBIXIN)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 34299
Last post April 21, 2011, 08:48:49 AM
by Drkheyre
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14195
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin
Impact of adverse drug reaction in Somalia ( waxyeelada daawada ).....????

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 5
Views: 27087
Last post October 17, 2011, 09:05:03 AM
by Abdicade
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11659
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc