Diseases and Conditions > Cudurrada Qaliinka

Baabasiir (Haemorrhoids)

<< < (3/4) > >>

SomaliDoc:
Hadduu baabasiirka uu gaaro heer ay daawo iyo cunidda cunno jilicsan aysan waxba ka taraynin, dhowr takhaatiirne ay kula taliyeen in aad u baahantahay qallin waxaan kugula talin lahaa in aad qaadato taladaas, maxaayeelay qalliinka baabasiirka maahan mid dhib badan waana lagu daaweeyaa, laakiin waxaa shardi ah in aad la xiriirto qof aqoon u leh xanuunka iyo qalliimadiisa.

Qof waliba uu sheeganayo in baabasiir uu daaweeyo ama gooyo in loo tago maahan oo waxaa laga yaabaa in uu isaga kuugu horseedo dhibaato hor leh.

Aad ayayna u buuxaan Soomaaliya dad sheegto in ay aqoon u leeyihiin cudurka baabasiirka iyo qalliinkiisa, qaarkoodne aysanba ahayn takhaatiir. marka taladayda waxaa waaye qalliinka dhib malahanee qofka ku qalayo hubso in uu yahay takhatar aqoon u leh baabasiirka.

Ladan-cadeey:
aad iyo aad aya umahadsan tahay doctor  jawabta  iyo talada i siisay jazakumu lah qeyr asc

Mar:
asc babasiirtu  qandho maleedahay adinkoo madsan walal

SomaliDoc:
Baabasiirka kaligiis ma keeno qandho laakiin wuxuu keenaa raaxo darro iyo xanuun, laakin haddii dhaawac uu jiro uu fashfasho ama caabuq qaado waa laga yaabaa markaas in aad dareentid qandho.

Ladan-cadeey:
asc dr waxan ku weydina baabasiirka dhabar xanuun maleedahay. mida kale lugaha cagta hoose ayaa i hurto marka aan wax badan socdo ama aan taak naado marka baabasiirka ma kiino mise jiro kale waaye lugaha oo i huro cagta waaye.mahadsanidin.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version