Author Topic: Inay dadka ila yaabaan ayaan ka cabsadaa..!!!  (Read 21478 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Inay dadka ila yaabaan ayaan ka cabsadaa..!!!
« on: December 25, 2018, 03:53:46 PM »


Bismillah,

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay cilmu-nafsiga anagoo ka jawaabayno su'aal nooga timid qof asxaabta ka mid ah oo yiri "waxaa welwel igu haysa in asxaabtu ila yaabaan ama igu sheekeystaan haddaan qaato go'aanno aan isleeyahay dan ayaa kuugu jirta ama noloshaada isbadal ku samee?"

Cilladaan ma ahan mid u gaar ah qofkaan su'aasha na soo waydiiyay laakiin waa mid dhalinyarada ku badan, caqabadne ku ah inay hormar gaaraan ama ka haraan asxaabtooda xunxun.

Inuu mararka qaar qofka ka welwelo falceliska bulshada markuu wax sameeynayo waa arrin dabiici ah, taasoo qofka mar walba ku haynayso tubta toosan, kana fogeyneyso inuu la yimaado waxyaabo dhaqanka khilaafsan, qofkane ka dhigayso inuu dareenkiisa u hufnaado waxa dadka kale ay ku fakarayaan, laakiin in welwelkaasi isku badalo cabsi kaa hor istaagto inaad wax qabsatid waa khalad iyo cillad u baahan in la saxo.

Maxaa lagu fahmi karaa in cilladaan ku hayso?
  • Waxaad ka cabsataa inaad caddaysatid fakarkaaga iyo waxa aad aaminsan tahay.
  • Mar walba waxaad ilaalisaa dareenka asxaabtaada xittaa haddii ay dhib kuugu jirto.
  • Waxaad badanaa samaysaa wax aadan ku faraxsanayn, hadhowne waad ka shallaaysaa.
  • Markaad is dhahdid dabcigaaga badal ama asxaabtaada ka har waxaa ku soo daga cabsi waxa ay dhihi doonaan, taasoo go'aankaaga kaa hor istaagta.
  • Dadka qaar waad ka dhuumataa si aysan u arkin isbadalka fiican ee aad samaysay si aysan wax kaaga sheegin.
  • Waad ku dhaqaaqi kartaa taladii lagu siiyo, laakiin go'aan qaadashada ayaa dhib kugu ah.

Haddii aad astaamaha kore isku aragtay waxaad u baahan tahay in talooyinkaan hoose ku dhaqantid si welwlekaan xad dhaafka iyo cabsida kaaga yaraato:
  • Ogow qiimahaaga: qof walba dunidaan kaligiis ayuu yimid, kaligiis ayuuna ka tagi doonaa, qof walbane kaligiis ayaa la xisaabin, taasi haddii ay kaa dhaadhacdo waxaa kugu abuurmayo dareen ah in aad ogaatid qiimaha nafsaddaadu leedahay, go'aan walbo oo aad qaadatidne in adiga kaliya saameyn kugu yeelan doono dheef iyo dhib tii ay ahaataba, sidaa darteed wixii dan kuugu jiro qofne loogama haybaysto, go'aan qof kalane laguma dhiso waxii noloshaada saameyn ku leh, raad dambane ku reebi karo mustaqbalkaaga, laakiin talo waad raadsan kartaa.
  • Sameey wixii dan kuugu jiro, Allane raali ka yahay: Alle iyo rasuulkiisa NNKH waxay noo sheegeen in bini'aadanka oo idil marnaba inuusan raalli kaa noqon doonin wax walbood u samaysid, sidaas awgeed mar walba qof baa ku dhaliilsan ama ku neceb, marka ha isku taxallujin in qof walba aad qanciso. Xadiithkii rasuulka NNKH micnihiisa wuxuu ahaa: Alle raalli ahaanshahiisa raadi si dadkane ay raalli kaaga noqdaan, laakiin dadka raalli ahaanshahooda haku raadin Alle naceebkiisa haddii kale labaduba way ku nici doonaan.
  • Tamartaada meel kale ku bixi: Haddii aad iska xertid albaabka welwelkaan waxaad dareemi doontaa farxad, raynrayn iyo inuu culeys kaa dagay, markaasne waxaad awood u helaysaa in tamartaada ku bixisid meel nacfi kuu leh, waxaadne ka dhaxli doontaa horusocod, gadaalne ma fiirin doontaan, waxaadne kasbanaysaa qanacsanaan, kalsooni iyo dhiirrasho aadan horay aadan u lahaan jirin.
  • Raadso saaxiib wanaagsan: saaxiibka wanaagsan waa wehel iyo caawiye, wuxuu mar walba ka shaqeeyaa hormarkaaga, wixii khaladan wuu kaa saxaa, wixii fiicanne wuu kugu dhiirriyaa, waa sidii xadiithka rasuulka NNKH ku sheegay qofkii saaxiib wanaagsan inuu la mid yahay adoo la fadhiista qof gado barafuunnada iyo cadarrada, caraf waxaan ahayn kama qaadaysid, qofkii xunne wuxuu la mid yahay adoo la fadhiistay qof tumaal ah, in qiiq iyo danbas ka dharagtid, dharkane kaa gubo mooyee wax kale ka faa'idi maysid.
  • Ogow noloshu waa maalmo: Haddii ay arintaan ku hortaallo waxay kugu bixinaysaa in uusan waqtiga kaa lumin, cimrigaagane ka faa'idaysatid weliba markaa dhalinyar tahay, sababtoo ah dhalinyaro badan way ka haraan asaagooda, kadibne meeshii ay fadhiyeen ayaa looga tagaa, waxayna msutaqbalka noqdaan facood-tuug, sidaas darteed ha is dhihin mar walba waqti ayaad haysataa, waad isbadali doontaa.

Talada SomaliDoc
Ugu dambayn waxaan filayaa haddii aad talooyinkaan qaadatid inay niyadda kuu dagi doonto, isbadal fiicanne aad noloshaada u horseedi doontid, dhaqamo xunxun oo saaxiibadaa si dadban uga dhaxli lahaydne inaad ka badbaadi doontid, marka go'aan qaado isla maanta, saaxiibka xun ka fogow, saaxiibka fiicanne u wareeg.
Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa, wixii su'aalo dheeraad ahne fadlan ku soo gudbi qeybta su'aalaha ama iga la soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 313791
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24381
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25909
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18128
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24208
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc