Author Topic: Dhibaatada Caafimaad ee Cunnada Qashinka!  (Read 21774 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhibaatada Caafimaad ee Cunnada Qashinka!
« on: February 01, 2019, 09:54:51 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay arrin muhiim u ah caafimaadka caruurta, waalidkuna aysan aqoon badan u lahayn taasoo ah dhibaatada caafimaad ee caruurtu ka dhaxlaan cunnada qashinka ee loo yaqaano "Junk Food".

Cuntadaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Fast food", waa cunno reer galbeedka ka timid laakiin si xawli ah dunida ugu faaftay meel kastane laga isticmaalo, waxay khubarada caafimaadka isku waafaqsan yihiin in cunandaan aysan lahayn nafaqo caafimaad maadaama borotiinka, fitamiinada iyo macaadinta kalaba ay aad ugu yar yihiin amaba aysan ku jirinba, waxaa intaa ka sii daran inay tahay cunno aan isu-dheelli-tirnayn.

Sidoo kale waxaa cunnooyinkaan laga dhaxlaa cillado aad u badan weliba u daran korriimada jirka iyo maskaxda caruurta, waxyaabahaas la xaqiijiyay waxaa ka mid ah:

  • Xasaasiyadda / Sanboorka / Neefta: Waa cillado aad ugu badan wadamada horumaray, waxaana la isku dhahaa "Atopy" waxay cilmibaarayaashu sheegeen in cilladahaan ku badan yihiin caruurta aad u isticmaasha cunnooyinkaan boqolkiiba 25% illaa 40%, sababtuna waa isbadal ku yimaada difaaca jirka, kaasoo waxyaabo jirka dabiici u ahaan jiray inuu la dagaallamo.
  • Cayilka: Cunnooyinkaan waxaa ka buuxo saliid iyo carbohydrate kuwaasoo si dhakhso ah jirka ugu cayilo, waxaana ku yar borotiinka iyo fitamiinada kuwaasoo muhiim u ah qeybaha kale ee jirka sida lafaha, murqaha IWM, sidaa darteed waxay caruurtaan halis ugu jiraan cillado ku dhaco ilkaha iyo lafaha sida lafo-burburka.
  • Damiinnimada: Maadaama cunnooyinkaan soorta aad ugu badan tahay, waxaa caruurta ku dhacho waxa loo yaqaano "Sugar crashes" taasoo caruurtu u keento hilmaan, xoog-saaris la'aanta waxa macallinka sheegayo, caajis badan iyo hurdo intaas waxay keenaan inuu cunuga faciisa ka haro, waxbarashadiisane ay liidato, diraasada la sameeyay waxay sheegtay caruurta 4 illaa 6 jeer la siiyo cunnadaan waxaa ku adkaada ka shaqaynta iyo fahmidda xisaabta iyo wax akhrinta markii lala bardhigay caruurta kale sababtuna waa iyadoo maadooyinkaasi u baahan yihiin xoog-saaris ama tarkiiz xagga maskaxda ah.
  • Calool fadhiga: Cunnadaan waxaa ka maqan buunshada caloosha jilciso "fibers" taasoo jirku ka helo caanaha, qudaarta, furutada IWM, taasina waxaa ka dhasho saxaro adayg, calool fadh, kadibne baabasiir.
  • Walafka: Cunnadaan waxaa loo farsameeyay qaab qofka qabatimayo la'aateedne uusan joogi karin, cunuggii isagoo yar la baro way dhib badan tahay inuu ka go'o markuu weynaado, waana dhibaato dunida ku soo badanayso taasoo qofka isagoo og inay dhibaato ku hayso inuusan joojin karin, waxaana laga dhaxlay waxa loo bixiyay cudurrada ilbaxnimada ama "civilization diseases", qoraal aan horay uga hadalnay arintaan ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6782.0
  • Diiqadda: Dhakhaatiirta caruurta waxay cunnooyinkaan la xiriiriyaan diiqad iyo niyadjab, sidoo kale Cayilka wuxuu caruurta u keenaa farxad yari maadaama caruurtu kale ay ku ceebaynayso
  • Hurdo xumida: Cuntooyinkaan waxay shirkadaha ku soo daraan maadada kaffayga khaasatan cabitaanada sida coca-colada, Pepsi-ga iyo kuwa kaloo badan taasoo hadafkeedu yahay inay dadku la qabsadaan, kadibne sidii bunkii oo kale qofka si sahlan ugama go'i karo, caruurta aad ayuu dhibaato ugu geystaa kaffayga, hurdo xumo ayuu ku ridaa wuxuuna khalkhal galiyaa meertada hurdada "Sleep Cycle", cunugii oo hurdo fiican helin, subaxdiina ku quraacday cuntadaan qashinka ah inta aan iskuulka loo dirin waxba ma soo fahmayo ee fasalka ayuu ku dhex hurdayaa. akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadlay dhibaatada cabitaanka coca-cola: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5964.0
  • Qalqaalnimada: Cuntooyinkaan qashinka ah waxaa ka maqan nafaqada muhiimka u ah korriinka maskaxda sida Omega-3 iyo Omega-6, waxay cilmibaarayaashu sheegaan macdantaas caruurtay ay ka maqan tahay inay yeeshaan fudfudeyd iyo qalqaalinimo, faahfaahinta cilladaan, afka qalaadne lagu dhaho "ADHD", ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=987.0
  • Tamar la'aanta: Maadaama cunnadaan ay nafaqada ku yar tahay, caruurta si dhakhso ah ayay u daalaan, mana awoodaan inay caruurta kale la ciyaaraan ama la jimicsadaan, taasina waxay u keenaysaa caafimaad darro.

Cunnooyinkaan aan ka hadalnay maxaa ka mid ah:
Waxaa ka mid ah cunnooyinka la soo warshadeeyay, ama la soo baceeyay, laguna badiyay sokorta iyo saliidda sida beergarka, pizza-ha, ketchup-ka, mayoneeska, chips-ka, cabitaanada aashsitada leh, macmacaanka la midabeeyay IWM.

Cunnooyinkaan oo idil sidee la isaga dayn karaa?
Qoysaska qaar way ku adag tahay inay ka fogaadaan cunnooyinkaan haddii ay horay ula qabsadeen sababtoo ah diyaarinteeda wax juhdi uma baahno, caruurtane in lagu qasbo uma baahna iyagaa isku daldalayo, sidaa darteed waalidka way u fudud dahay inay guriga soo dhigtaan cunnooyinkaan, laakiin waalidkii go'aan adag wuu sixi karaa jadwalka cuntada gurigiisa, waxyaabo badan oo lagu badashane way buuxaan, dadka qaar ayaa ku dhahayo baasto iyo canjeero maan siinayaa? Haa, waad siinaysaa sababtoo ah iyadaa 100%-kiiba ka fiican cunnooyinkaan qashinka ah, laakiin fadlan caruurta kula dadaal caanaha, kalluunka, khudaarta, furutada iyo cunnoyinka kale ee dabiiciga ah.

Haddii mararka qaar caruurta siiyo dhib may leedahay?
Qoraalkaan wuxuu ku socdaa qoysaska cunnooyinkaan caruurtooda joogtada u siiyo, laakiin in hal mar usbuucii aad siiso sida markaad meel gayso oo kale ama markay munaasabad jirto dhib ma lahan sababtoo ah caruurta iyo cunnooyinkaan aragti ayaa ka dhaxayso waana wax ay shirkadaha ugu talagaleen, laakiin fadlan cunnooyinkaan gurigaaga joogto ha u keenin, cunnane ha uga dhigin caruurtaada.

Wixii su'aalo dheeraad ah dhakhtarka ugu hagaaji boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: