Author Topic: Cabsida iyo Welwelka Xilliga Roobka.!  (Read 21669 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cabsida iyo Welwelka Xilliga Roobka.!
« on: July 05, 2019, 01:11:12 PM »


Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cillad nafsi ah oo dad badani qabaan, laakiin aysan badanaa soo hadal qaadin maadaama ay ka cabsanayaan in lala yaabo, sababtoo ah waxay dareemaan welwel, diiqad iyo culeys nafsi ah markuu jawiga roobka la dareemo meesha dadka kale ay dareemaan farxad iyo rayn-rayn.

Ogow kama hadlayo ka cabsashada biriqda, gugaca ama onkadka taasoo ah cabsi dabiici ah oo qof walba dareemi karo, laakiin markuu daruuraha is qabsadaan oo saxansaxada roobka la dareemo ayaa waxaa qofkaasi ku soo daga welwel, cabsi, diiqad iyadoo qofka u sawirmayso dhimasho iyo waxyaabo la mid ah, qofka ma jecla inuu kaligiis joogo xilliga roobka, nalalka in la damiyo ma ogola, in meel fadhiyo ma ogola guriga ayuu dhex socsoconayaa inta roobka ka istaagayo.

Cilladaan oo dumarka ku badan waxay salka ku haysaa cilladda welwelka ama diiqda nuuca loo yaqaano "Generalized Anxiety Disroder", sababtuna waa jawiga roobka oo ka mid ah waxyaabaha cilladaan qofka ku kiciyo, faahfaahin ku saabsan cilladaan "GAD" horay ayaan cashar hore uga hadalnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5901.0

Cilladaan ma ahan wax qofka ku raago, maadaama ay salka ku hayso cilladda diiqada, qofka wuu la qabsan karaa ama wuu ka gudbi karaa isagoo aan wax daawo ah qaadan, laakiin waxaa muhiim ah in qofka uu waajaho cabsida ku taagan, si uu isaga baab'iyo cabsidaan ku soo dagayso, inuu helo saaxiib ama ehel arintaan uu la wadaago si uu uga kaashado in cabsidiisa ay sal iyo raad toona lahayn, hadduu qofka roobka u bixi karo ama ku qubaysan karo waa talaabo fiican, haduuse saas samayn karin inuu is maaweeliyo ama wax akhrisiyo dhagaysi ku mashquulo xilliga roobka iyadane waxay ka qeyb qaadataa in maskaxda lagu tababaro inay la qabsato jawiga roobka.

Sidoo kale in Alle aad barasid inuu kaa qaado cabsiyada aad dareentid iyo waxyaabaha diiqada kugu kiciya waa arrin muhiim ah oo wax walba in laga hormariyo ay waajib tahay.

Ogow dad badan ayaa arintaan u fasira fulaynimo ama waalli laakiin taasi sax ma ahan oo waa cillad nafsi ah oo welwelka salka ku haysa, qofkane wuu ka gudbi karaa ee yaan niyadda lagaa jabin.

Midda kale adiga kaliygaa inaadan ahayn oo dad badani arrintaan kula qaba inaad ogaatid iyadane waa muhiim sababtoo ah dadka badanaa kama hadlaan arrimaha nuucaan ah maadaama ay ka cabsanayaa in lala yaabo ama dhimirka laga tuhmo maadaama wax dadka ku farxaan inuu qofka dhibsanayo.

Wixii faahfaahin ama talo dheeraad ah ee ku saabsan cilladaan nagala soo xiriir bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51452
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?

Started by Amiin OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5072
Last post December 30, 2018, 11:51:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaaskeyga waxaa xanuunta xudunta xilliga caadada?

Started by XanduleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7681
Last post March 10, 2012, 12:46:54 PM
by SomaliDoc
Ogow Sababta iyo Xalka Xanaaqa Xilliga Soonka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 24471
Last post June 23, 2016, 02:28:59 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: LUGA XANUUN XILLIGA ORODKA JIIMKA AMA JIMICSIGA ?

Started by CaamirgroupBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5768
Last post April 04, 2017, 03:09:05 PM
by SomaliDoc