Author Topic: Aqoon u yeelo xanuunka GBS? - Muhiim..!  (Read 16924 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Aqoon u yeelo xanuunka GBS? - Muhiim..!
« on: November 23, 2019, 02:32:58 PM »


Bismillah,

Waa Maxay GBS?
Guillain-Barré syndrome, loona soo gaabiyo "GBS" waa cudur dhif ah oo ka dhasho in difaaca jirkaaga uu weeraro neerfaha, wuxuu ku bilaawdaa kabuubyo iyo tabardarri gacmaha ama lugaha.

Si dhakhso ah ayuu ku faafaa isagoo curyaamiyo jirka inta kale, heerar ayuu kala leeyahay kan ugu xun wuxuu qofka geliyaa xaalad degdeg ah oo qofka u baahdo in isbitaal la jiifiyo.

Waxa saxda ah ee keeno xanuunka GBS lama garanayo laakiin waxaa loo malaynayaa inuu salka ku haayo caabuq jirka soo maray khaasatan kuwa jeermiska fayrasyada ay keenaan sida hargabka, ifilada IWM

Illaa iyo hadda lama haayo daaweyn rasmi ah oo xanuunka looga bogsado, laakiin siyaabo dhowr ah ayaa xanuunka lagu xakamayn karaa, loogana hortagi karaa inuu sii faafo, dadka qaarne raad ayuu ku reebi karaa.

Astaamaha Xanuunka GBS:
Xanuunkaan wuxuu badanaa ka soo bilawdaa cagaha, kadibne kor ayuu ugu soo faafaa jirka isagoo lugaha soo mara, dad dhif ah ayuu gacmaha ama wajiga ka bilawdaa.

Xanuunka waa inuu labada dhinacba saameeyaa oo hal qeyb jirka kagama dhaco, markuu soo faafayo waxaa la dareemaa kabuubyo iyo in jirka wax kaa mudmudayaan iyo tabardarri murqaha ah, kadibne markuu soo gaaro feeraha, naqaska ayuu qofka ku dhajiyaa maadaama uu curyaaminayo murqaha caawiyo neefsiga, taas ayaana qofka halis galinayso.

Haddii aad isku aragtid kabuubyo cagahaaga ka soo bilaabatay ama tabardarri murqaha oo jirka kor ugu sii faafayso, candhuuftaada oo si joogto ah ugu sixanaysid waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan.

GBS waa xanuun halis ah oo si kadis ah bukaanka u curyaamin karo, kullamaa waqti hore lagu baraarugo kullamaa rajadu ay fiican tahay.

Maxaa Keeno GBS?
Inkastoo si sax ah aan loo ogeyn waxa keeno xanuunkaan, hadane dhowr xanuun ayaa lala xiriiriyaa sida caabuqa caloosha ay keento bakteeriyada loo yaqaano "Campylobacter", hergabka ifilada ah, fayrasyada sida Zika, Hepatitis, EBV, HIV iyo kaloo badan. mararka qaar waxaa lagu arkaa caruurta la siiyo tallaalka ifilada ama hargabka.

Sidee Loo Baaraa GBS?
Way dhib badan tahay in GBS baaritaan lagu xaqiijiyo, sidaa darteed waraysiga iyo wiisiteynta ayaa ugu muhiimsan garashada xanuunkaan iyo in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala soocayo xanuunada ay isku egyihiin.

Sidee Loo Daaweeyaa GBS?
Ma jiro daawo looga raysanayo xanuunkaan, laakiin laba siyaabood ayaa lagu xakameeyaa, qofkane lagu badbaadiyaa taasoo kala ah:
1- Dheecaanka dhiigga oo qofka laga badalo "Plasmapheresis", sababtuna waa walxaha difaaca jirka ka tirsan "antibodies" ee neerfaha weerarayo in jirka laga saaro.
2- In qofka lagu shubo lid-jir (antibody) aan cilladaysnayn, taasoo loo yaqaano "Immunoglobulin" taasoo meesha ka saarayso awoodii lid-jirka cilladaysnaa.

Badanaa midda hore meel kasta laguma samayn karo, laakiin daaweynta labaad ayaa la adeegsadaa inkastoo cirbadaani ay qaali tahay oo iyadane si dhif ah looga helo wadamada soo korayo.

6 illaa 12 bilood ayay badanaa qaadataa in qofka sidiisii hore ku soo laabto, laakiin badanaa qof walba qofkuu ka da' yar yahay wuu ka dhakhso kabsan ogyahay.

Wixii su'aalo ama faahfaahin ah hoos nagu waydii ama noogu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16751
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14340
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33544
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39932
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87184
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!