Author Topic: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?  (Read 13618 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Starka19

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
« on: October 29, 2018, 05:04:12 PM »
Asc, Masha allaah runtii aad baan ugu faraxsanahay inan helo meel aan kugudbin karo su'aal aan jwb saxan u waayay.

Dhaqaatiirta halkani joogto waxan codsanlahaa inay iga shaafiyaa su'aalahaan soo socda.

1: Waxaan ahy 19 jir misaankayguna waa uu hooseeyaa 48 Buu marayaa dhirikayguna 1.72 weeye.
Maxaa sababi kari in aan sidaan uu miisankayga hoos ugu dhaco?

2: Sideen u kordhin karaa miisaankayga? majiraanse dad hore u kordhiyay miisaankooda.

FG: ma isticmaalo wax bal wad ah sido kale dadka caadiga ah ee aan lanoolahay waxa ay cunan baan la cunaa...

Fadlan sida ugu dhaqsida bdn hala'igu soo jawaabo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
« Reply #1 on: March 20, 2019, 09:35:13 PM »
Markii dhirirkaaga iyo culeyskaaga la isku fiiriyo, aad buu u hooseeyaa waxaadne u baahan tahay in miisaankaaga ku dartid 8 kiilo. Midda kale hadduu miisaankaaga horay u fiicnaa, hadane uu soo dhacay waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si lagaaga baaro xanuunada keeni karo miisaan lumista, laakiin hadduu weligaa sidaan ahaa miisaankaaga waxaad u baahan tahay inaad samaysid tillaabooyin aad ku kobcin kartid si dhirirkaaga iyo culeyskaaga iskugu qalmaan adigoo raaca talooyinkaan hoose:
  • Cun cunno tamar leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska, si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay.
  • Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta, ku dadaal cunnada ay ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka.
  • Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.
  • Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska.
  • Sameey jimicsi fudud oo joogto ah, hurdo kugu filanne jiifo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Starka19

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
« Reply #2 on: July 23, 2023, 02:50:53 AM »
Alxamdulilaah 5sano baa laga joogaa markii aan taladaan qaatay miisaankaygu waxaa uu gaaray ilaa 67Kg hadeerna waa 64Kg.