Author Topic: Tallaalka Koroona (Su'aalo iyo Jawaabo Muhiim ah).  (Read 12683 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Tallaalka Koroona (Su'aalo iyo Jawaabo Muhiim ah).
« on: April 09, 2021, 02:53:32 PM »



Bismillah,

Waxaan maanta qormadaan ku soo koobayaa jawaabo ku aadan su'aalo tiro badan oo maalmihii la soo dhaafay la iga soo waydiinayay tallaalka cudurka Korona oo hadal heyntiisu soo badatay, taasoo bulshadu ku wareertay wixii sax ka ah wararka la isla dhex marayo.

1. Tallaalka korona inaan qaato qasab miyaa?
Qasab ma ahan in aad qaadatid tallaalka cudurka Korona, laakiin waxaa muhiim ah inaad aqoon u yeelatid waxa uu yahay, dhibkiisa, faa'idadiisa, waxtarkiisa iyo talada dhakhaatiirta oo aan halkaan ku soo koobi doono insha'llah.

2- Haddii aan is tallaalo, cudurka ma igu dhici karaa?
Haa wuu kugu dhici karaa Korona adigoo tallaalka qaatay, weliba si dhameestiran u qaatay.

3- Haddii aan is tallaalo, cudurkane igu dhaco ma qaadsiin karaa qof kale?
Haa waad qaadsiin kartaa qof kale hadduu cudurka kugu dhaco tallaalka ka hor ama ka dib.

4- Haddii ay sidaasi tahay maxaa la isku tallaalayaa?
Waxaa la isku tallaalayaa kaliya in cudurka halis uusan galin naftaada, taasoo isbitaala laguu dhigi karo ama aad u dhiman kartid, tallaalka wuxuu kobcinayaa difaaca jirkaaga, wuxuuna ka hortagayaa waxa loo yaqaano "severe covid infection" oo ah in cudurka si xun kuu saameeyo, sambabadane kaa weeraro.

5- Haddii cudurka igu dhacay, tallaal inaan qaato maa loo baahan yahay?
Waxay ku xiran tahay in cudurkii ku soo maray uu difaac siiyay jirkaaga, difaacaasina aad weli haysatid, waxay kaloo ku xiran tahay in koroonahii ku soo maray fayraska keenay uusan isbadalin.

6- Tallaalkaan haddii aan qaato, ma laga yaabaa mustaqbalka in tallaal kale u baahdo?
Haa, waa suurtagal, sababtoo ah fayraska keenay cudurka korona waxaa la arkay inuu isbadal badalayo, taasoo keeni karto in tallaalkii hore wax ka tari waayo oo tallaal cusub u baahatid, waana sida loo badinayo.

7- Horta, hadduu igu dhaco korona, mar labaad ma igu dhici karaa?
Haa, awal waxaa la aaminsanaa inuusan kugu soo laabanayn hadduu mar ku soo maro, laakiin markii la arkay inuu isbadalayo oo nuucyo cusub soo baxeen sida kan Tanzania, kan South Africa, Kan Ingiriiska iyo Kan Baraziilka oo hadda cusub, inuu mar labaad ama sadaxaad ku soo mari doono waa suuragal. Sanadkii hore, dad uu ku dhacay oo aan ka baarnay ayaa isla sanadkaan haddane ku dhacay inkastoo sidii horay u qabtay ay ka astaamo duwanayd sanadkaan.

8- Tallaalka hadduusan ka hortagayn in cudurka mar kale kugu dhaco, tallaalkane waxyeello keeni karo, haddaan iska dhaafo ka waran?
Horta, tallaal aan waxyeello lahayn ma jiro, waxaa muhiim ah mar walba in faa'idadiisa iyo khasaaradiisa la is barar dhigo, waana sababta loo leeyahay dadka halista ugu jira cudurka in la tallaalo waa muhiim kuwaasoo ah dadka da'doodu 55 illaa 60 sano ka wayn tahay lana nool cudurrada halista ah sida macaanka / sonkorowga. laakiin haddii da'daadu intaasi ka yar tahay, aadne qabin cudurradaasi halista ah khaasatan macaanka, waxay khubarada iyo dhakhaatiirta ku talinayaan in aadan qaadan tallaalka corona waqtigaan la joogo khaasatan tallaalka Astrezenecca oo ah midka dalka la keenay.

9- Maxaad idinka ku talinaysaan haddii aad tihiin bahda "SomaliDoc"?
Waxaan ku talinaynaa haddii da'daadu 55 sano ka wayn tahay, lana nooshahay cudurrada halista ah sida macaanka, wadne xanuunka, kilyo ama beer xanuunka, qabtid cudurka neefta in tallaalka qaadatid sida ugu dhakhsiyaha badan, weliba dhameestiratid tallaalka si difaacaaga u kobco. sababtoo ah halista cudurka ayaa 100% ka badan waxyeellada kooban ee tallaalka yeelan karo. sidoo kale haddii aad is tallaashid weli waxaad u baahan tahay inaad afka iyo sanka daboolatid, dadka xanuunsanne aad ka fogaatid, nadaafadda guudne ku dadaashid.

10- Laba tallaal oo kala duwan looguna tala galay cudurka corona, ma qaadan karaa?
Maya, is lama qaadan kartid laba tallaal oo kala duwan, waa inaad mid uun qaadatid, sida muuqatane mustaqbalka dhaw tallaalka wuxuu noqon doonaa wax lagu wada qasbanaan doono khaasatan haddii aad u safrayso wadamo kale sida haddaba wadamada qaar billaabeen (Cumrada sanadkaan qof aan tallaal haysan ma aadi karo)!.

Wixii su'aalo intaan ka baxsan oo aad jeclaan lahayd in aan kaaga jwaabno fadlan noogu soo dir qeybta farriimaha ama comment ahaan noogu reeb bogga Facebook qoraalkaan hoostiisa.

Ilaahey aafadaan ha naga dul qaado. Aaamiin

Mahadsanidiin.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Tallaalka Koroona (Su'aalo iyo Jawaabo Muhiim ah).
« Reply #1 on: April 10, 2021, 02:41:22 PM »
Cunug, mahadsanid!


 

Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51453
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Nabro malax leh? Qawadka? Miisaan Yari?

Started by Abdul ShakurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8997
Last post May 02, 2015, 01:45:20 PM
by SomaliDoc
Su'aalo ku saabsan siigeysiga iyo finanka wajiga?

Started by SeidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48733
Last post February 24, 2011, 10:54:29 AM
by SomaliDoc
Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 16270
Last post January 02, 2013, 08:04:56 PM
by SomaliDoc
JADEECADA, QAAMOW-QANSHIIRKA, JADEECADA JARMALKA (RUBELLA) IYO TALLAALKA MMR

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 26560
Last post March 25, 2011, 09:18:39 PM
by SomaliDoc