Author Topic: Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!  (Read 23498 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
« on: January 25, 2023, 04:22:49 PM »


Asc,

Waxaan rabaa maanta inaan ka hadlo mawduuc aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaato bulshadeena ku badan.

Waa kabniinka jeestada oo lagu xiro iyadoo aysan jab jirin, waana arrin ku badan bulshada oo aan maalin walba la kulanno, taasoo ay keentay aqoon la'aanta qofka raajada akhrinayo iyo iyaddoo aan dhib wayn loo arkin in qofka kab la saaro sabab la'aan iyadoo dhianc dhaqaalo laga fiirinayo.

Dhibaatooyinka kabka jeestada ay keento iyadoo aan loo baahnayn waxaa ka mid ah:
  • Lafta la duubay ama la kabay muruqeeda oo dhinto, kadibne la arko lugtii ama gacantii oo tan kale ka yaraatay, waxaa arintaan loo yaqaanaa "Muscle Atrophy", wayna dhib badan tahay in laga soo kabsado.
  • Wareegga dhiiga oo kala xirmo sababtuan waa jeestada oo cadaadis saarayso xididada, tanne waxay ka dhalataa aqoon yarida iyo khibrad la'aanta qofka kabka xirayo, tan waxay keentaa in xubintu ay bararto taasoo dhibka sii kordhinayso haddii aan xubinta la badbaadin, kadibne lugta ama gacantu way dhimanaysaa haddii kabkaas lagu dhaafo.
  • Xinjiroobista xididdada arooriyaasha, tanne waa cillad kale, loona yaqaanno "DVT", oo ah in xinjir ku samaysanto xididka ku aadan meesha la kabay taasoo keeni karto dhibaatooyinka hor le oo ah in xinjirta fariisato meelo halis ah sida sambabada oo kale, faahfaahinta cudurkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
  • Kalagoyska oo xannibmo, arintaan waxay dhacdaa haddii kabka la saaro meel kalagoys ah, taasoo keento in kalagoyskaasi uusan qofka isticmaalin in muddo ah, kadibne sidaa ku qolfoofo, markii jeesada ama kabka la furo, qofka ma isticmaali karo kalagoyskaas maadaama uu isku raysatay, iyadane waa dhibaatooyin badana aan la kulanno.
  • Neerfaha oo dhaawac gaaro, arintaan iyadane waxay dhacdaa markii kabka la saaro meelaha neerfaha jirka ka maro, taasoo keeni karto in dareenka ka guuro qeybta dareensidahaasi quudin jiray, kadibne sidaas neerfaha ku dhinto.
  • Dhaawaca maqaarka ku samaysmo, waxaa jiro dad jabniinka intay daawo mariyaan, kadibne kab saaro, weliba gobollada ayaa aad looga yaqaanaa, taasoo meeshii waxa la mariyay, kadibne kab la saaray markay huurto ay isdayso, maqaarkane fiiqmo sidaa caabuq halis ah qofka ku qaado, maadaama bukaanka uusan u jeedin waxa maqaarka hoose ka jiro, waxuu yimaadaa isbitaalka markuu urka meesha ka soo baxayo u adkaysan waayo.

Ugu dambayn waa muhiim kabka, waana qeyb ka mid ah daaweynta laakiin waxaa shardi u ah in qofka u baahan yahay, sida saxda ahne loo saaro, bukaanakne aan la iska fasaxin oo loo sheegto waxyaabo hadduu isku arko inuu isbitaalka u soo laabto ay tahay.

Sidoo kale waxaa jiro jabitaanno qaar aan lagu kabi karin kabniinka jeesada, taasina waxaa muhiim ah in laga la tashto dhakhtar ku takhasuusay kabniinka lafaha, sababtoo ah waxaa aragnaa bukaan aan kab jeesto waxba ka tarayn oo dhowr bil markuu ku xirnaa kadib loo sheego "jabkaaga ma kabmaayo ee dhakhtar lafo raadso".

Takhassuska qalliinka lafaha waa muhiim, laakiin qeyb badan oo bulshada ka mid ah kama dhaadhacsano ahmiyaddiisa, waxayna aaminsan yihiin in kabka iyo jeeso saarista ay tahay wax qof walba samayn karo, sawirka raajadane uu qof walba akhrisan karo.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah, kalabax, seed dillaacay ama go'ay in kab lagu xalliyo!!!

Akhirso qoraallo la xiriira:
Cuntooyinka kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html
Qof jabay ma galmoon karaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.html

Mahadsandiin.

Wixii su'aalo ah noogu soo gudbi qeybta su'aaalah insha'llah.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
« Reply #1 on: March 29, 2023, 09:09:59 PM »


 

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Khat-ka. (Khat-ka waa la dhaliilaa, lamana joojiyo!)

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 13756
Last post December 01, 2011, 12:32:03 PM
by CilmiSabca
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14193
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93728
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka Aragga (Vision Problems)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 0
Views: 40390
Last post April 09, 2008, 12:42:46 AM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 14
Views: 124276
Last post August 18, 2008, 07:30:56 PM
by SomaliDoc