Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdulahi on August 06, 2011, 03:10:01 PM

Title: Su'aal: Male Yeast Infection?
Post by: Cabdulahi on August 06, 2011, 03:10:01 PM
asc walaalaha somaaliyeed  u taagan inay caawiyaan walaalahooda ubaah fahamka caafimaadkooda walal  waxaan idin karabaa inaad ii sharaxdaan xanuunkan iyo dhibaatada uu leeyahay  Male Yeast Infection   sidee loo badhaa oo lagu ogaan karaa inaa qabto  daawadiisa  walaal ilaahay qeerka iyo xasanaadka ha idin laban laabo bisha rabadaan asc rabadaan kariim
Title: Re: Su'aal: Male Yeast Infection?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 10:00:39 PM
Yeast infection waxaa loo yaqaannaa "Cabeeb" wuxuuna ku dhacaa meelo dhowr ah oo jirka ka mid ah waxaana ugu horreeya afka, naasaha ibtooda iyo xubinta taranka.
waa caabuq uu keeno jeermiska fangaska, markuu ku dhacayo xubnaha taranka wuu ku yaryahay ragga oo wuxuu ku badanyahay haweenka.
calaamadihiisa waxaa ka mid ah: gaduudasho, cuncun iyo raaxo darri, waa xanuun fudud oo si sahlan lagu daaweyn karo laakiin haddii aan la daaweyn wuu faafi karaa oo xubinta taranka dhan ayuu saameyn karaa.

Daawadiisa way sahlanatahay waxaana la qaataa daawada disha fangaska kuwaas oo meel kasta laga heli karo.
Haddii xanuunkaan iskaga shakisantahayla xiriir takhtar si laguu daaweeyo.