Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 07, 2011, 01:07:19 PM

Title: Su'aal: Cudurka Epilepsy muxuu yahay?
Post by: CilmiSabca on August 07, 2011, 01:07:19 PM
Haddii ilmaha yari ay ku dhacdo marka hore bronchitis, ayna muddo yar ka dib isku bedesho pneumonia, haddana meningitis ugu dambeyntana uu isku bedelo cudurka epilepsy ee qalalka, taasi maxay tahay dawada iyo qaabka loo daweyn karaa?.
Title: Re: Su'aal: Cudurka Epilepsy muxuu yahay?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 09:05:32 PM
Burunkiito "Bronchitis" waa caabuq ku dhaco marinnada hawada, Oof-wareen "Pneumonia" waa caabuq ku dhaco sanbabada, Qoor-gooye "meningitis" waa caabuq ku dhaco dahaarka maskaxda iyo xangullaha.

Burunkiitada iyo oof-wareenka bakteeriyada keento waxay keeni kartaa cudurka meningitis, cudurka meningitis haduu saameeyo maskaxda oo cunugga jarayn keeno waxay isku badali kartaa jarayntaas qalal taasoo cudurka isku sii badalo qalal "Epilepsy"

Halkaan ka akhriso waxa epilepsy uu yahay iyo waxa lagu daaweeyaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html)