Somali Medical Forums

Finance & Aid => Medical Jobs & Trainings => Topic started by: Drkheyre on October 19, 2011, 04:00:05 PM

Title: (JAGO BANAAN) - Dakhtar Caafimaad - MSF Spain/Somalia
Post by: Drkheyre on October 19, 2011, 04:00:05 PM
 

JAGO BANAAN
   Dakhtar Caafimaad
Saldiga ee Muqdisho Somalia, Sumad Lambar: 1139
Dakhaatiirta aan hudduuda lahayn (MSF) ee Spain waa hey´ad caalami ah oo kashaqeyso Somalia.
Waxa aan raadinaynaa Dakhtar Caafimaad uu saldigusa yahay Muqdisho, Somalia.
 
Shaqadu qaban doono, lakin kuma´eko intaad kaliya:

1.   Tacliinta Guud ee  MSF iyo amniga shaqada.
o   Waxaa looga bahan yahay wadashaqeynta shaqaalaha kale ee mashruuca.
o   Waa in uu raaco sharciga caafimaadka iyo amniga guud iyo Xushmeynta anshaxa caafimaad.

2. Bukaan jiif, bukaan socot iyo Qeybta carruurta:
•   Wuxuu masuul kanoqon doona qeybt ragga, haweenka iyo carruurtaba ee waxii kusaabsan qalliinka ee buukaanjiika.
•   Waxaa looga baahnaan doonaa in uu yaqaan, tixgeliyana brotokollada Caafimaad ee MSF.
•   Wuxuu ka qeyb qaadan doona shirirka ee bukaan socotka iyo kan kusaabsan carruurta..
•   Wuxuu kormeeri doona oo ah wareegta caafimaad ee bukaan jiifka asagoo lashaqeynaya kalkaaliyada.
•   Wuxuu ka masuul noqon doona daaweynta iyo nafaqada ee qeybta carruurta.
•   Wuxuu masuul ka yahay Bukaan jiifka, kasaarida carruurta buka, dawooyinkooda iyo damaan shaqada guud ee caafimaad.
•   Wuxuu ka qayb qaadan doonaa  tababarka shaqaalaha caafimaad.
•   Wuxuu hubin doonaa in dhammaan nidaamka maamulka iyo dukumentiyada loo isticmaalo si ku haboon (Fasixida bukaanka, u dirida bukaanka xarun caafimaad ee kale IWM).

Xirfadaha loo baahan yahay:
•   Darajo cilmi oo sare (Degree in Medicine).
•   Uugayaraan hal sano ee khibrad ee MSF ama hay´adaha kale ee kusaabsan caafimaad.
•   Fasiix ku ah qorista iyo hadalka ee luuqada ingiriiska iyo af somaali.
•   Dhowrista sirta iyo hadal wanagsan (Diplomacy)
•   Xushmeynta anshaxa caafimaadka
•   Waa in uu leeyahay xirfad xiriir iyo mid aruursanaan
•   Waa in uu dadabacsan yahay.
•   Waa in uu yahay aamin
•   Waa in uu yahay qof firfircoon
•   Waa in uu leeyahay xirfad dhegeysi.
•   Waxaa in uu awood u leeyahay in uu ka shaqeeyo meel adag oo amniga uusan ka jirin.

Dhammaan musharixiintu waxay u soo diri karaan codsiyadooda ayaga oo sharaxaya khibradaha la xiriira, dhiirigelinta, CV, shahaadooyinka   iyo waraaqaaha la talinta (Labo qof oo latixraaco) addresskaan oo ah MSF-Spain Somalia ee kuyaala Nairobi, emailkaan : msferecruitment@gmail.com . Fadlan soona xigo numberkaan 1139 , kana dhig numberkaan Subject leenka Codsigaaga.

Codsiga waxaa lasoo diri karaa illaa taarikhdu markay tahay 2da Nov 2011. Kadibna, Dadka Laxusho waxaa lagarabaa in ay u´yimaadaan  intixaan.  Dadka lasooxusho ayaa lasoowacayaa..

MSF-E waa loo shaqeeyo bixiya fursad siman.