Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cuudka on August 18, 2015, 01:25:04 PM

Title: Su'aal: Waa maxay Neurofibromatosis Type 1?
Post by: Cuudka on August 18, 2015, 01:25:04 PM
Asc doctor.s  waxaan donyaa inaa waxa kaogado  neurofibromatosos typ1
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Neurofibromatosis Type 1?
Post by: SomaliDoc on August 19, 2015, 12:14:45 PM
Neurofibromatosis waa iin hidde-socod ah oo caruurta ku dhashaan, cilladuna waa korriinka unugyada neerfaha, taas oo keenta in neerfaha ay ku samaysmaan burooyin ka soo bixi kara maskaxda iyo xangullaha lafdhabarta.
Akhriso waa maxay hiddasocod?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5213.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5213.0.html)

Badanaa xanuunkaan waxaa lagu sheegaa caruurta marka ay aad u yaryihiin, badana burooyinka xanuunkaan kansar ma ahan laakiin marmarka qaar kansar way isku badali karaan.

Qofka xanuunkaan leh badanaa cabashadiisu way yartahay, waxyaabaha uu qofka ka caban karo waxaa ka mid ah maqalka oo yaraado, dhibaato xagga waxbarashada ah, cillad wadnaha iyo xididada ah.
markii xaaladdu ay aad u daran tahay waxay burada keeni kartaa xanuun badan iyo indhobeel.

Xanuunkaan wuxuu u kala baxaa lab nuuc, kan ugu caansan waa nooca loo yaqaano "type 1", kala duwanaanshaha labada nuuc waa qaabka dhaxlidda iyo cillada qaabka ay ku timaado.

Type 1, waxyaabaha lagu karto waxaa ka mid ah:
1- Bar cunuga uu ku dhasho taasoo dhib weyn aanan keenin, inkastoo ay jiraan caruur badan oo bar ku dhasho laakiin haddii la arko in 6 ama ka badan waxay tilmaami kartaa xanuunka Neurofibromatosis.

2- Faruuruc aan cuncun wadan laakiin midab isku eg lah inuu ka soo yaaco kilkilaha ama saracda.

3- In maqaarka hoostiisa laga dareemo meelo kuuskuusan jirka oo jilicsan waana magaca uu cudurka wato oo lagu garto astaantaan.

4- Wuxuu kaloo saameyn karaa korriinka lafaha sida lafdhabarta oo qalloocdo ama lugaha oo dalbo leh.

5- Cillada xaga waxbarashada ah sida barashada luqadda iyo waxyaabaha aragtid lagu barto, waxaa kaloo la soco karo xanuunka loo yaqaano "ADHD", halkaan ka akhriso waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.html)

6- Caruurta xanuunkaan ku dhasho cabbirka madaxooda wuu ka weynyahay sida caadiga ah, dhirirkoodane badanaa wuu gaaban yahay.

Maxaa keeno xanuunkaan?
Sida aan horay u soo tilmaamay waa xanuun dhaxal ku yimaado oo genes-ka cillad ka jirto ay keento waxayna ku badan tahay qoysaska leh taariikh hiddasocod haddii ay is guursadaan, halkaan ka akhriso waxa laga wado arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html)

Sidee lagu ogaadaa Neurofibromatosis?
Dhakhtarka oo waraysi iyo baaris isku dara ayaa ogaan kara inuu xanuunkaan jiro, waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo baaritaanada cilladaha la xiriiro xanuunkaan sida in indha, dhagaha la baaro.
Raajooyin ama scans in loo diro qofka xanuunsan.
Baaritaanka ugu muhiimsan waa midka "genetics" ama hidda socodka labada nooc ee xanuunkaan oo la samayn karo wadamada qaar.

Sidee loo daaweyn karaa Neurofibromatosis?
Xanuunkaan ma lahan daawo looga bogsado ee waxuu dhakhtarka kuu qori karaa daawooyin caawimaad ah ama ka hortagaya cilladaha badanaa la socdo xanuunkaan.
Daawooyinka way kala duwanaan karaan, waxayna ku xiran tahay heerka xanuunka uu marayo.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Neurofibromatosis Type 1?
Post by: Jaamac2020 on March 20, 2016, 08:28:41 PM
mahafsanid dhakhar waan aqristay aad baan idin salamaya