Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: Hodandeeqa on September 09, 2015, 05:57:23 PM

Title: Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?
Post by: Hodandeeqa on September 09, 2015, 05:57:23 PM
waa igu dhacay dhicis is daba socda oo gaadhaya 4 jeer ilaa hada la iima sheegin dhibaatada keentay waxan la xidhiidhay dhakhtaro badan wax cilada iima ay sheegin waxaa idinka codsanayaa talo inaad I siisaan.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?
Post by: SomaliDoc on September 11, 2015, 12:41:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dilan.png)

Waa su'aal muhiim ah in hooyo kasta oo isku aragta dhicis soo laalaabto ama isku daba xigo in ay ogaato waxa keeni karo.
Waxaa loo kala qaadaa cilladaha sidatan:

Cillad ka timid qaab samaysanka xubnaha ku shaqo leh uurka sida raximka "minka", afka ilmogaleenka:

Cillad is-diidis dhiiga aabaha iyo hooyada:

Cillad xaga hormoonada ah:

Cillad difaaca jirka ah:

Cillad ugxansidaha:

Cillad uu isku keeno qofka:

Caabuq hooyada ku dhaco:
Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Caabuqyada Hooyada Ku Dhaco oo Naafeeyaa Uurjiifka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7708.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7708.0.html)

Daaweyntu waxay ku xiran tahay in la ogaado marka hore cillada waxa ay tahay, sida aad aragtayne waa waxyaabo badan oo u baahan in dhakhtarku uu kala sooco si loo ogaado, waxaana ka xumahay in baaritaanada lagu ogaanayo cilladaha qaar in aan laga helin soomaaliya.

Waxaa intaa sii dheer waxaad ogaataa in alle uu caruurta bixiyo, waxaa dhici karto in wax kasta lagaa baaro oo hadane ay dhakhaatiirta sheegi karin waxa keenay dilankaan soo laalaabto, waxaa dhici karto in ilaahay uusan qorin in aad wax isku dhashaan adiga iyo xaaskaaga.

Waa maxay dilan? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html)

Waa muhiim in aad akhrisato dhamaan qoraallada aan kuugu tilmaamay jawaabtaan maadaama xanuun kasto uu leeyahay astaamo u gaar ah oo uu kaga duwan yahay xanuunada kale, haddii aad akhrisato waxaa laga yaabaa in aad dhowr cudur aad isku aragto astaamahooda.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)