Somali Medical Forums

Health Related Forums => Medical Stories and Jokes => Topic started by: CilmiSabca on January 16, 2012, 10:05:16 PM

Title: Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?
Post by: CilmiSabca on January 16, 2012, 10:05:16 PM
Nin ayaa dibadaha yimid, asagoo iska yaaban ayaa la dajiyey guri weyn oo wada qalabeysan, musqul ayuu u baahday, siduu u socday ayuu Talaagad (qaboojiye) galay markuu soo kaadshay ayuu ka soo baxay isagoo aad u dhaxamoonaya oo yaaban, ka dib, haweeney ayuu arkay wuxuuna waydiiyey isagoo fidinjeerka (qaboojiyaha) farta ku fiiqaya "Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo markii la xidhona uu damaayo muxuu yahay?!"
haweeneydii waxay weydiisay "Maxaad u mooday maxaase ka rabtay?" ninkii wuxu ku jawaabay "Suuligii sow ma ahan, waan ku soo kaadshay, biyo la'aa, oo dhaxan badanaa!" haweeneydii wey yaabtay waxayna ku tidhi " War fidinjeerkii baad suuli ka dhigataye iga tag" isna wuxu  weydiiyey "Fidinjeer maxaa waaye maxaase lagu fidiyaa?!". Waxay ugu jawaabtay "Cuntadaa lagu fidiyaa si ay u caafimaad qabto" ninkii wuu sii yaabay wuxuna haweeneydii weydiiyey "Haddii uu cuntada caafiyo, malaha dadkana wuu caafiyaa, laakiin dadka ma lagu fidin karo ileyn waa qol dhaxan badane!"...
Just lol...
Title: Re: Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?
Post by: Dr.Tulip on December 05, 2012, 08:05:50 AM
 ;D ;D ;D ;D ;D Mahadsanid CilmiSabce
Title: Re: Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?
Post by: CilmiSabca on December 08, 2012, 08:50:56 PM
Adaa mudan Dr. Tulip.