Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Baasaale1515 on August 12, 2015, 11:45:23 AM

Title: Su'aal: Caalamada lagu garto Burada?
Post by: Baasaale1515 on August 12, 2015, 11:45:23 AM
1) Caalamada lagu garto Burada,
2) Sanad ka hor waxaa la iga qalay wax kuusan on buro umalenaayo, laakin mar labaad ayey hadane sidoo dii hore ku soo noqdeen, mana aqaano waxey yihin.
Waa gacanta bidix (Calaacasha ma ahan) waa dusha gacanta.
Title: Re: Su'aal: Caalamada lagu garto Burada?
Post by: SomaliDoc on August 12, 2015, 02:05:51 PM
Wax kasta oo kuusan buro ma ahan, waxyaabo badan ayaa jirka meel ka mid ah kuusi karo.
Haddii aan qiyaaso waxa aad ka cabanayso, haddii ay tahay kuus adag oo ka soo baxay gacanta meesha kalagoyska ku aadan ama jalaqleyda, qalliin fudud lagaaga sameeyay hada ka hor, kadibne dib u soo laabtay waxay noqon kartaa waxa loo yaqaano "Ganglion Cyst" waa kuus dheecaan ka samaysan, wuxuuna ka soo baxaaa kalgoyska gacanta sida ka muuqato sawirkaan hoose.
(http://www.fitnesshealth101.com/images2/injuries/pages/ganglion_cysts.jpg)

Kuuska ma lahan wax dhibaato ah, xanuun ma keeno illaa in neerfaha uu cdaadiyo mooyee, kansarne ma noqoto, marmarka qaar way iska baaba'daa, ama waa la dillaacin karaa ama biyaha ku jiro ayaa cirbad looga soo nuugi karaa ama waa la qali karaa oo la saari akraa iyada oo dhan.
Haddii aan la wada saarin oo aan la qalin waxaa dhacdo in ay soo laabato badanaa 50%.

Haddii waxa aad ka cabanayso aysan aheen arintaas, fadlan warbixin dheeraad ah naga sii.

Ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan burooyinka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.0.html)
Title: Re: Su'aal: Caalamada lagu garto Burada?
Post by: Baasaale1515 on August 13, 2015, 10:30:32 AM
Walaahi sida sawirka ka muuqato waaye gacanteyda, waxa an idin weydiiyay iyo Jawaabtiina masha allah waa hal mid Mahadsanidiin, xanuun maku qabo laakiin waxaa nii weydiinaa:
1) maxaa sabab u ah?
2) malaga yaabaa ineey xanuun kale isu bedesho?
Title: Re: Su'aal: Caalamada lagu garto Burada?
Post by: SomaliDoc on August 15, 2015, 12:56:24 PM
Ganglion cyst xanuunka kale ama kansar iskuma badasho, qofkane xanuun kuma keento illaa in ay weynaato oo qofka raaxo darri ka dareemo markuu gacanta isticmaalayo mooyee.
Waxa keenane waa dheecaanka kalagoyska ku jira oo kale oo kuus ahaan u samaysmo, haddii ay kugu soo laabatayne waxay u badan tahay in aan la wada goynin ee dhakhtarka uu kaa dillaaciyay, waana sababta ay u soo laabato.