Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 06, 2019, 09:03:12 PM

Title: Bararka / Kacsanaanta Xididada Dhafoorka
Post by: SomaliDoc on March 06, 2019, 09:03:12 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhafoor.png)
Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa kacsanaanta ama bararidda xididada wajiga khaasatan dhinacyada ama dhafoorrada.

Sida aan wada ognahay, xididada waxaa loo qeybiyaa laba nuuc, mid dhiigga xubnaha geeyo, loona yaqaano halbowle "Artery" iyo mid dhiigga ka soo celiyo xubnaha loona yaqaano arooriye "Veins".

Bararidda Arooriyaasha Wajiga
Xididada badanaa wajiga ka soo muuqdo labadaas mid ayay noqon karaan, haddii aan ku bilaabo bararidda arooriyaasha wajiga waxaa ku timaadaa dhowr arrimood oo kala ah:


Balbalka Halbowlaha Dhafoorka (Temporal Arteritis)
Cilladaan waxaa badanaa lagu arkaa dadka da' dhaxaadka iyo duqowda, waa cillad aan badanaa lagu baraarugsaneyn, madax xanuun ahaanne badanaa loo daaweeyo, waxay cilladaan ka dhalataa halbowlaha dhafoorka ee loo yaqaano "Temporal Artery" inuu jirrado ama balbalo, taasi waxay keentaa madax xanuun siyaado ah lagana dareemo illaa daanka, aragga isha oo daciifto, qandho, danqasho ama xanuun basada ah iyo daal badan, cilladaan waa in si dhakhso ah loo daaweeyaa si loo siiyaa daawo loogu tala galay si aragga sii daciifayo loo badbaadiyo, sababtoo ah xanuun baaba'iyeyaasha caadiga ah wax wayn kama taraan xanuunkaan.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan casharkaan ama haddii aad qabti su'aalo la xiriira, waxaad igala soo xiriiri kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)

Inta xanuunsan Allaha caafiyo, mahadsanidiin.