Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on February 14, 2014, 01:52:28 PM

Title: Su'aal: Biyo badan oo aan u baahneyn hadaa cabo?
Post by: Nuur12 on February 14, 2014, 01:52:28 PM
marka hore waxaan u mahad celinayaa ALLAH marka labaad dhaqaatiirta  aad ka noogu dedaalayawaxaan qabaa su aal taas oo ah biyo badan oo aan qofku u baahnayn  oo uu cabo maxay tarikaraan maxayse yeeli karaan iyo biyo intee leeg baa caadiyan qofka laga rabaa maalintii
Title: Re: Su'aal: Biyo badan oo aan u baahneyn hadaa cabo?
Post by: SomaliDoc on June 24, 2014, 02:10:21 PM
Biyaha waxay muhiim u yihiin caafimaadkaa, inkastoo meeqo ayaan cabi karaa maalintii ay tahay su'aal sahlan laakiin jawaabta waxay ku xiran tahay dhowr shey oo ay ka mid tahay, qofka caafimaadkiisa, firfircoonidiisa ama shaqadiisa nooca ay tahay iyo xitaa meesha uu ku nool yahay haday tahay dhul kuleel ama dhul qabow.

Biyahu waa waxa ugu badan oo jirkeena ka samaysan tahay miisanka jirkaaga 60% waa biyo.

Biyaha faaidooyin badan ayay u leeyihiin jirkaaga oo ay ka mid tahay in sunta iyo wasakhda ay ka seeraan, in dhafaqada ay jirka qeybihiisa kale gaarsiiyaan iyo in afka, sanka, dhagaha iyo dhuunta ay qalleelka ka ilaaliyaan si uusan dhaawac sahlan u gaarin bakteeriyane ugu dhalan iyo faaidooyin kale oo aad u tiro badan oo halkaan lagu soo koobi karin.

Maadaama qofka uu dhididayo, kaadinayo, saxaroonayo, dheefsanayo, wuxuu dhumiyaa biyo, sidaa darteed waa in jirka biyahii ka baxay in la eg lagu soo celiyaa.

Sidaa darteed waxaa lgula taliyaa qofka inuu maalintii 2 illaa 3 litir oo biyo ah inuu cabo, laakiin hadii aad tahay qof shaqo adag qabto ama jimicsado ama ku dhool dhul kuleela ah ama uur aad leedahay ama aad ilmo dhuujiso waxaad u baahan tahay in aad cabto biyo badan.

Biyaha in saaid loo cabo oo xad dhaaf ah oo qofka ku waasho cabitaanka ama waxa loo yaqaano "Psychogenic Polydypsia", faaido uguma jirto jirka oo dhibaatooyinka ay keeni karto waxaa ka mid ah in macdanta jirka ku jirto ay miisaanka ka lumo oo biyaha badan ku milmaan ama maskaxda biyo galaan iyo dhibaatoyin kale.

Qofka sidaan noqdo wuxuu u baahan yahay daaweyn maskaxeed.