Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Anas on June 08, 2015, 03:37:17 PM

Title: Su'aal: Dawada lo isticmalo kala korinta caruurta?
Post by: Umu Anas on June 08, 2015, 03:37:17 PM
Asc
Somali medial forum waxan Donnaya in aad igaaa jahil baxisan dhibatoyinka dawada laqato Marka lokala dheereynta uurka Ama kala korinta caruurta maxay tala dhibkkoodu khaas ahan midka lagu xiro minka maxay u kenin hoyada hadii 2 sano Xirirtan Marki i furato miyey iman dhibatoyinka cafimad daro Ama in in Ayan uur qaadin? Faiido maxeyse ledahay ?
Waaa mahadsantahiin
Title: Re: Su'aal: Dawada lo isticmalo kala korinta caruurta?
Post by: Umu Anas on June 10, 2015, 12:52:25 AM
Asc
Somali doktor waan Idiin salamay salan kabacdi waxan Donnaya fadlan Jawaab deg deg ah igaaa sisaan waayo freday Ayan leyahay doktor balantiis Marka goan Ayan qadan laaahy baahina waan u Qaba in xoga kasto waxa i joga ilmo hada 8 bilood waan kaa yara cabsan in iska xiro minka  tas Ayaan dortay oo ley shegeey in aan lagun cayileen P Piller  Ayaan isticmalay aad Ayaan miisan iguh kordhay waan joojiyey hada kaaan Ayaan talo Idiin karaba Waaa mahadsantahiin
Title: Re: Su'aal: Dawada lo isticmalo kala korinta caruurta?
Post by: SomaliDoc on June 10, 2015, 01:37:36 AM
Marka hore ka hortagga uurka noocyadiisa kala duwan midkasto waxyeello wuu leeyahay haba kala sii darnaadaanee.

Qalabka lagu xiro minka si aadan uur u qaadin waa nooc ka mid ah kala fogeynta uurka, waxaa lagu qiyaasaa 2 haween 1,000kiiba in ay uur qaadi karaan iyagoo xiran hadduu qalabka yahay nooca hormonal-ka, kan ah Copper-ka waxaa lagu qiyaasaa 6 haween 1,000kiiba.
Sabatuna waxay noqotaa in qalabka uu booskiisa ka soo baxay ama uu soo wada baxayba iyadoo haweentu aysan dareemin wayna dhacdaa.

Waxyaabaha aad filan karto waa in caadada ay kaa wareerto, ama in qalabka dillac minka uu keeno inkastoo ay dhif tahay in arrintaas ay dhacdo.

Hadduu takhtarkaagu uu yahay qof khibrad u leh xeridda qalabka, dad badan ayaa isticmaalo waad xiran kartaa.

Qadartii rabbina waa meesheeda, sidaa awgeed ilaah tala saaro.