Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abdirizak on March 21, 2016, 12:01:50 PM

Title: Su'aal: waxaan qaatay dawada loo yaqaano AMBAROZOL?
Post by: Mohamed Abdirizak on March 21, 2016, 12:01:50 PM
SC dhamaantiin

baaritaan aan isku sameeyay waxaan iska helay GAASTARIIG ama GAAS
waxaan qaatay dawada loo yaqaano  AMBAROZOL magacu inuu wax ka khaldanyahy baa lagayaabaa lkn waa kaniiniga ugu casrisan ee loo cuno gaaska
majiraan dawao ka fiican oo loo qaato
sidoo kale waxaan rabaa inaan dabargooyo oo baaritaanka danbe usan igu soo noqon  sidee udabargooyaa

mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: waxaan qaatay dawada loo yaqaano AMBAROZOL?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2016, 04:41:32 PM
Caafimaadka ma jiro wax la dhaho daawada ugu casrisan, daawooyin badan ayaa jiro laakiin qaabab kale duwan ayay u shaqeeyaan, haddii daawada ay shaqayn wayso waa in dib loo hubiyaa xanuunka aad u qaadatay muxuu yahay? Daawada kuugu habboone waa noocee?

Jawaabaha su'aalahaas waxaa ogaan karo dhakhtar in aad u tagtid.