Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: C.risaaq on January 07, 2016, 01:34:35 AM

Title: Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?
Post by: C.risaaq on January 07, 2016, 01:34:35 AM
asc wan idin salamy all dhakhatirta runti waxan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun o an mudo isku arkayay .  waxaana idinka             codsanaya inaa siwacan ii caawisan . wixi jawaba waa igu so diri kartaan ...
zakiboqor135@gmail.com
1:  in mudo ah 5sano ku dhow waxan daremayay xanunka dhanka calosha sida lalabo madax warer said ah marmar o shuban yesho quraacda o idhibta  kuleel jirka iga so baxaya madaxa o an cules ka daremayo ... dhakhatir badan ban utagay markasta waxay isin jireen dawo gaaas taaso an waxba iga tari jirin marki danbe tiifow baa la iga helay iskasto dawadisa an qaatay hadana isbadal wayn iskuma hayo...

2: xanuunkayga labaad an ka sheekanyo waa xiniin xanuun taaso an  marmar xanuun ka daremo iyo guskao marki shahwadu iga timaado an xanun ka daremo waliba marka tutujiyo guska .  waxa kalo xanun ka daremaa marki an mar laban so kacsado guska xoga xanun ban daremaa .. mida guska korkisa marmar bay ibararaya sidi waxa moodid buro cml sida waxa isku arka markay caloshu idibirto ama ana aan cuno cunta badan o coloshu so kuusanto...
3:xanunka kale an isku arkay waxaa weeye sanka oo hadba daloolada mid xirmayo oo an hal dalool ka nefsanyo waan joogto markasta mid baa xiran wan qoyaana igama imaanayan hadba midba is xiraya . taas waxaa idheer madax warer saaid ah o madaxa cules an ka daremayo iyo indhaha o marmae cules badan an ka daremayo..

mahadsanidin

Title: Re: Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2016, 03:27:06 PM
C.risaaq waxaad u baahnaan lahayd dhakhtar ku wiisiteeyo oo baaritaano kuu diro si loo ogaado cilladaahaagu waxa ay salku ku hayaan.
Sida ka muuqato xanuunkaaga 1-aad waa wax caloosha ka socdo, qasab ma ahan inuu gaas noqdo, xanuuno badan ayaa ku dhaca caloosha qeybaheeda kala duwan oo leh astaamaha aad ka cabatay.
Sidoo kale midda la xiriirta xiniinyaha iyo meesha kuusan ee aad tilmaantay iyadane baaritaan ayaad uga baahan tahay.
Midda ugu dambayso ee sanka ku xirmayo adigoo iska joogo iyadane in lagaa fiiriyo ayaad u baahan tahay inuu hilib kaaga yaallo iyo in wax kale oo xirayaan in ay jiraan.

Fadlan la xiriir dhakhtar oo ugu faahfaahi sida aad noogu faahfaahisay, kadib wixii talo ku siiyo ayaan talo kuugu daraynaa insha'llah.